Waxa maalintii Jimcaha ee bisha Maarso ahayd 25 ee sannadkan 2011 lagu qabtay magaaladda Stockholm ee waddanka Iswiidhan munaasibad lagu daahfuray buug cusub oo la magac baxay Bishaaro iyo Bilkheyr. Xafladdan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa soo qaban qaabiyay Naadiga Akhristayaasha Stockholm.
Naadiga oo sida caadada u ah bishiiba hal mar soo bandhiga buug ayaa waxa uu maalintii jimcihii gardaadiyay buugga cusub ee Bishaaro iyo Bilkheyr oo uu qoray qoraaga Yuusuf X. Cabdillaahi X. Xasan.
Munaasibadda oo ka dhacday xaafadda Rinkeby ee magaalada Stockholm ayaa ugu horayn lagu furay Quraanka Kariimka. Kadib waxaa halkaas warbixin ka soo jeediyay guddoomiyaha naadiga akhristayaasha Stockholm Muuse M. Ciise ( Dalmar ). Muuse Dalmar ayaa ugu horayn u mahadnaqay dadweynihii munaasibadda ka soo qayb galay, dhanka kale waxa uu Muuse sharaxaad badan ka bixiyay hawlaha uu qabto Naadigu iyo waliba waxyaabihii u qabsoomay muddadii gaabnayd ee uu Naadigu jiray. Kadib waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay qoraaga Xasan Cabdi Madar oo isagu buugga soo akhriyay. Xasan waxa uu aad ugu dheeraaday sharaxaadda buugga, isagoo sheegay inuu ka xiiso goyn waayay markii uu buugga akhrinayay. Sidoo kale Xasan waxa uu sheegay inuu buuggan yahay mid aad u qiimo badan, lagana dheehan karo dhaqanka iyo hab nololeedka bulshada Soomaalida.
Dhanka kale waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Yuusuf X. Cabdillaahi oo ah qoraaga buugga. Yuusuf oo aad mooddo inuu dusha ka xafidsan yahay macluumaadkii ama sheekaddii ku duugnayd buugga ayaa si xiiso badan u guud maray. Yuusuf waxa uu ku dheeraaday sida ay mihiimka u tahay in wax laga qoro dhacdooyinka had iyo jeer ka dhex dhaca bulshadeena. Waxa kale oo uu Yuusuf aad ugu dhiirigeliyay dad weynihii xafladda ka soo qayb galay inay ku dadaalaan akhriska iyo qoraalka.
Intaas kadib waxaa la gudo galay doof furan oo ay ka qayb qaateen badi dadweynihii madasha yimid. Doodan oo uu daadihinayay Sayid Maxamed Yuusuf oo ah guddoomiyaha Ururka Qoraaga Somaliland ayaa waxay ahayd mid aad u xiiso badan. Qodobka weyn ee laga doodayay ayaa waxa uu ahaa, Sidee baa bulshada afka Soomaaliga ku hadasha loogu baraarujin karaa akhriska iyo qoraalka? .
Doodan ayaa ahayd mid midho dhal ah, dadkii ka qayb qaatayna ay aad ugu dheeraadeen sida loogu baahan yahay in bulshada loogu dhiirigeliyo akhriska iyo qoraalka, ayaa qodobadii ugu waa weynaa ee laysla qaatayna waxaa ka mid ahaa, in dadku ku dadaalaan waxbarashada, akhriska buuggaagtuna noqdo mid dadku caadaystaan oo qof walba ku dadaalo inuu akhriyo kolba wixii uu xiisaynayo iyo in had iyo jeer lagu dadaalo in buuggaag guriga lagu haysto si carruurta lagu barbaariyo akhriska iyo qoraalka.
Dhanka kale Maxamed Xirsi Guuleed oo ah Abwaan iyo Qoraa degan waddanka Sweden ayaa isna waxa uu madasha ka tiriyay gabay aad u xiiso badan oo ka hadlayay Gobonimada iyo qiimaha ay leedahay.
Musa Dalmar
–
Musa Dalmar
Stockholm, Sweden
This post has been viewed 1708 times.









