Hargeysa (Halbeegnews)– dhawrkii todobaad ee ugu danbeeyey waxaa isa soo taraayey kulano iyo olole siyaasadeed oo wasiiradda xukuumadda madaxweyne Siilaanyo aanay qarsanayninba kuwaasi oo ay ugu jiraan xubno ay isku hayb ka soo jeedaan oo xafiiltan iyo tartan ugu jira inay ka mid noqdaan golaha baarlamaanka cusub ee loo samaynayo dalka Soomaaliya.
Wasiirka daakhliga Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa isagu laf-dhabar u noqday kooxahaasi iyadoo wararka aanu sida xogogaalka ah ku hellayna noo xaqiijinayaan inuu wasiirka arrimaha gudahu uu lacago kumanaankun dollar ah oo ay xukuumadda uu ka tirsanyahay la ogtahay u xawilay dhinaca iyo magaalada Muqdisho isla markaana uu maalmahii ugu danbeeyey u diray magaalada Muqdisho xubno ay isku hayb ka soo jeedaan kuwaasi oo qayb ka qaadan doona xallinta khilaafyo soo dhex gallay xubno ku doonaya inay xildhibaano ku noqdaan magaca beelaha dhexe ee Somaliland.
Wasiir Duur oo adeegsanaya salaadiin iyo cuqaal caan hore ugu ahayd inay Xamar han iyo hunguri u doontaan marka xilalka sare loo tartamayo ayaan maalmahii ugu danbeeyey ka cag qaadin goobo qaadka habeenkii lagu ruugo oo ololaha iyo dardargelinta xubnahaasi Xamar loogu jiro kuwaasi oo laga furay gudaha caasimadda Hargeysa.
Dhinaca kalana 48-kii saacadood ee ugu danbeeyey waxaa magaalada Muqdisho ka degay ugu yaraan 5 xubnood oo uu ka mid yahay safiirkii Somaliland ee dalka Pakistan xukuumaddii Rayaale Diinaari oo isagu maanta warbaahinta u sheegay inuu wakiilka ka yahay wasiirka daakhliga Duur isla markaana uu Muqdisho u yimid sidii loo kala saari lahaa xildhibaanadda beelaha dhexe ee Somaliland.
Arrintani ayaa qayb ku leh ka dib markii Xukuumadda Siilaanyo ay sannadkani horaantiisii baabiisay xeerkii sannadkii 2000 labada gole ee Somaliland ansixiyeen ee xakamaynaayey xubnaha Xamar taga wixii laga yeelaayo, taasi oo dabarka iyo ooddaba ka qaaday kooxo iyagu xiiso u hayey Xamar oo markii hore xeerkaasi xakamo ku hayey, waxaana dadka siyaasadda odorosa tibaaxayaan in Madaxweyne Siilaanyo laftigiisu uu qayb weyn ku leeyahay ololaha ka socda magaalada Muqdisho, waxaa isagu dhawaan xilkii agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda iska casilay Boqor Jaamac Axmed Maxamuud Oday oo beesha uu Madaxweyne Siilaanyo ka soo jeeda ka dhigtay boqorka beesha markiiba uu ka degay magaalada Muqdisho.
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 1137 times.







kkkkkkkkkkkkkkkk kuwa kadegaya xamar awalna iyaga ayay faqash deldeli jirtay hadana sidoodii ayaa iyagana la deldeli naga hooda iyo uabad koodana loo hadhi bastariinta weligoodbay
faqashta ahaayeene,ma.maantaa.asay cusub dumarkii loo diyarinayaa oo faqash afka laga gelinayaa markalei ma maanta ayaa hableheenii lagu celinayaa faqash marlabaad dinaari kulahaa duur kulaa waar ma ciyaal baa meeshii u hadhay oo waxaas ku samaynaya wadankii ilahaybaa jira
SAAXIIB AWLBA DUUR WAXUU U HANWEYNAA SOMAALI WAYN , WUU TAAGEERI JIRAY ARIN IYO
ADUUNBA DAWLADIHII CARTA, BAYDHABO, WAA INAN YAR OO SHEEKH KU KORAY KUNA DHASHAY
WAX UU ADUUN KA WARHAYO MALEH HADANA WAXUU XUKUUMADA UGU JIRAA LACAG URURSI
WAA NIN LAGU YAQAAN , SOMAALIWEYN MANA QARSADO..
XAMAR HADUU KU BIIRAYO IYO HADUU AL ISLAAX OO UU WALIGII XUBINKA AHAA ANIGOO
SI GAAR AH U AQAAN UU TAGAYO , WAA INA NUUR CARAALE WAX WAYN OO CULAYS AH MA LEH
waxa lala yaabo waxa ah in ninkiii lugaha ku socday lala yaabo oo kii ku socdey gacmuhu la yaabo (???? ???? ???? ??? ???? ???? ??? ???? ???? ??? ???? ??????)ilaahay wuxuu aayadan ku leeyahay waar ma waxa toosan ninka lugaha ku socda mise ka wejiga ku socda .
walaalayaal soomaalidu waxay ku maah maahdaa walaalo iscaaye caanana wada cabe rag waa islaayaa waana heshiiyaaye waar aan xaqaygii layga duudsiyey helo waa wax layaqaan laakiin mar hadaynu mar islaynay isku soo noqon mayno waa laga fiican yahay, oo yaaba wada joogaya markaas, somaliland qudheedu imisa jeer ayay is laysay inaan isku duubnaano waxaan ku weyno kala tag ku heli mayno
waa guul usoo hoyatay somaliland.
waxaan hlkan shacabka ku dhaqan s.lanad kula talin lahaa xukamdii aad xilka u dhiibateen waxay noqatay caado qaadato iyo waxaan ku manasib ahayn oo ay u soo jiido samcad iyo sharafta qarinamada sidaa daradeed waxaa iga talo ah la sameeyo mudahaarad lugu ridaayo xukumada.