Jaamac Maxamed Qaalib Oo Hore Xukuumadda Siilaanyo U Sheegtay Inay Cafis Siisay Markuu Ka Noqday Mabda’iisii Soomaaliweynimo Oo Ka Degay Muqdisho

Posted by on Aug 13th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)–Sida lagu baahiyay Mareegta Dayniile waxa magaaladda Muqdisho ka degay Gen. Jaamac Maxamed Qaalib oo ka mid ah siyaasiyiinta Reer Somaliland ee Aaminsan Mabda’a Federaalka.

Jaamac Maxamed Qaalib oo markii ugu danbaysay ka mid ahaa Garabkii Isbahaysigii dibu xoreynta Soomaaliya ee Asmara lama oga ujeedada rasmiga ah ee uu wakhtigan u tagay Muqdisho, waxaana ka soo baxaya warar is khilaafsan sababta uu u tagay.

Hase yeeshee sida ay Mareegta Dayniile baahisay waxa la sheegayaa inuu u tagay xalinta Xubnaha beeshiisa Baarlamaanka uga qayb galaya oo ay xubno badani isku haystaan, kuwaasoo la filayo inuu kala saaro.

Jaamac Maxamed Qaalib markii uu Burburay Isbahaysigii uu ka tirsanaa ee Asmara waxa uu yimi Hargeysa, wakhtigaas oo ay Xukuumadda Somaliland sheegtay inuu ku yimi Cafis Madaxweyne isla markaana uu ka tanaasulay Mabda’iisii, hase yeeshee sheegasahada arrintaas Jaamac Maxamed Qaalib wakhtigaas wuu daadifeeyay.

In muddo ah waxa uu ku sugnaa Hargeysa balse muddo kabacdi Jaamac Maxamed Qaalib waxa muuqiisa laga waayay Hargeysa oo uu muddo dhex tax taxaashayay lamina ogayn intii danbe meel uu ku sugnaa iyo Codkaiisa toona.

Waaheen

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 872 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright