Ciidamadii kala duwanaa ee Somaliland oo isku dhex qasan iyo darajadii siilaanyo balanqaaday oo noqotay mid aan lagu guulaysan

Posted by on Aug 13th, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Waad salaaman tihiin dhamaanba umada muslimiinta ah, gaar ahaan akhristayaasha maqaalkan
Waxaan kaloon u mahad naqayaa dhamaanba warbaahinta kala duwan.


Waxaan wax yar ka taabanayaa ciidamada kala duwan ee Somaliland oo balantii loo qaaadatay noqotay mid aan midho dhal noqon , iyo ciidamadii somalialnd oo yiidadiiladii soo gashay wakhtigii madexweyne siilaanyo kaambaynka ololaha doorashada ku jirey oo uu ahaa gudoomiyihii xisbiga kulmiye oo aan lagu guulaysan.
Hada mudo 2 sano kor u dhaaftay oo siilaanyo madexweyne ahaa ayaanuu soo ba hadal qaadin halkay ku danbaysay darajadii ciidamadu.

Ciidan kama maarmo darajo wadana kama maarmo , laakiin ciidanka Somaliland oo kii 1960 galay ciidanka iyo kan 2012 oo aan wax lagu kala soo caaba haba yaraatee aanay jirin waa wax laga murugoodo , oo meel leh waxaanu nahay jamhuuriyad is keed u taagan hadana ciidankeedii caynkaas yahay.

Ciidanku waa halbowlaha qaran , qarana isma taagi karo hadaanuu lahayn ciidan kala danbayntu wa yaraanaysaa , colaaduna way badanaysaa laakiin ilaahay ayaa qaran cijaab uga dhigay inay ciidan yeeshaan.
Darajadu maaha wax laga maarmi karo , waa wax aan marnaba suura gal ahayn in laga maarmo.
Darajadu waa ta ciidankii hore iyo ciidankan danbeba kala saaraysa ama kala xadaynaysa.

Hadaba waxaan ku soo koobayaa qoraalkayga ,haduu madexwyne siilaanyo qorshaha ka saaray darajadda ciidamadda , wasiiradii sii iyo jananadii ciidamadana  ma waxaa mashquuliyey mushahaaradoodii, maxay uga damqan waayeen tiirka koowaad ee qaran leeeyahay.

Suurto galna ahayn in laga maarmo sida aadamuhuba aanuu biyaha uga maarmi Karin.
Masuul waliba waxa uu jecel yahay in ciidan la garab taago , haba u horeeyo madexweynuhuye,laakiin abaalkii ay lahaayeen aan la gudin weli.

By c/rixiin maxed cali ubaxle


This post has been viewed 323 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright