Asaalma calaykum w/w dhamaan dadwaynaha Jamuriyada Somaliland gaar ahaan shacabka gobolka saaxil waxaa maqaalkaygan jeclaaday inaan ku iftiimiyo dhacdadii ama xaflada habeen dhawayd ka dhacday magaaalada Berbera ee xarnta gobolka Saxil lagana soo daayey T.v yada taas oo macneheedu u dhacaysay sidaan ciwaanka maqaaalka ugu magacdaray .
Hadaba shacab waynayahaw reer Berbera hadaan in yar dib idiin wada xasuusiyo waxaad aad ogtihiin ama aad goob jog u ahaydeen inuu maareeye Cali Xoor Xoor uu hadba xukuumada joogta uu ula shaqeeeyo si qayrul caadiya ama ay guul wada nimo ku dheehantahay ,taasoo uu isagu uu arko haduu sidaa samayn waayo in isaga lagu soo maqanyahay ,hadaba taasi waxaynu ku macanayn karnaa inuu Cali Xoor` Xoor fariin iyo dhoola tus u diraayey xukuumada sare ,isla markaana macneheedu u dhacayso aniga iyo jufadaan kasoo jeedo imikaba waxaad igu ogaataan xusbi xaakimka (Kulmiye) iyada oo reerkoodiina iyo musharaxa ay soo doorteena ku samarsiinaya xafladan ujeedooyinka badan ee uu sameeyey .
Dhanka kale hadaynu in yar is dul istaagno magaalada Berbera waxaa ka sharaxan ama iska sharaxaaya musharaxiin badan oo iska sharaxaya maxaa loo waayey inuu Cali Xoor Xoor kuwaa uu ka qayb galo ama ugu yaraan ka bixiyo kharashkaa uu musharaxa jufadiisa ka bixiyey oo kale ,meenay u muuqan inuu cali bilaabay ku tagri falkii hantida dadwaynaha inuu sidii looga bartay kulmiyan ka qaylin jiray markuu talada dibada ka joogay .
Hadaan hadana usoo noqda qaabka ay xafladaa musharaxa loo qabtay waxaa kasoo qayb galay dhamaan madaxdii gobolka Saaxil iyo kii degmada Berbera ba, waxaa meesha ka muuqday kana hadlay badhasaabka oo ay kamid ahaaeyeen hadaladiisii waan soo dhawaynaynaa musharaxa runtii isaga oo dhalin yara ah waxna ka tari doona Berbera hadalkaasoo aan odhan karo inaanu badhasaabka ka tahay garasha la’aan uu xaflad jacayl awgeed inuu isaga yimi iyo inuu isna fariin sawir guud uu la galaayey musharax Mustafe oo ka tirsan gudida Dan iyo Duco ,isla markaana ay ula muuqato inuu leeyihiin waan furfurnay odayaashii dan iyo duco .
Hase ahaatee aan odhan karo way riyoonayaan labada masuulba maadama ay ilaa had ku mashquulsanyihiin waxaaan ahayn shaqooyinkii loo igmaday, oo aad odhankarto waxbay u xuub siibteen sidii ay Odayaasha Dan iyo Duco ay u wax yeeli lahaayeen .
Waxaa kaloo isna goobtaa ka hadlay maayer Cabdale oo isaga ay dhoola cadayn u ahayd ,isla markaana uu isna doonayo inuu dhawaaan iska sharaxo kulmiye ,isla markaan uu qof waliba uu qiyaasi karo inanay maskaxda bina aadamka aanay kusoo dhici Karin inaad goob lagu caleema saarayo ninkii ku badali lahaa inaad ka hadasho aanad ka tidhaahdo waan soo dhawaynaynaa ,dhanka kale waxaa uu qosolkan Cabdale uu kusoo fadhiisanayaa inuu la dhacsanyahay in hadii musharaxiinta sanadkan sharaxan ay sida musharaxan oo kale ay yihiin dad aan khibrad iyo aqoon ay Cabdale hadhaw kugula tar tami karaan duqa Berbera aanay jirinba taasna waa u guul hadaanay reerihuu sharixin shakhsiyaad aqoon iyo waayaaragnima ay ku tuhmayaan aanaay gaynin
Hadaba waxaan masuuliyiintan aan kula talin lahaa inay aayadan quraankaa aad u dhuuxaankuna dhaqmaan (??? ??? ???? ???? ?? ????? ???????????? ???? ?????? ??? ?????????? ????? ??????????? ????? ??????? ?????? ????????(??????)
Aayadda:Qofka Alle ka baqa ee ka cabsada waxa Alle u furaa dariiqyada,oo waxa uu ka irsaaqaa meelo aanu ka flaynin,kii Alla talosaartana Alle Isagaa ku filan oo kafaalo qaadanayo.
Waxaan maqaaalkan kusoo gab gabaynaa hadaanu nahnay qurba jooga reer berbera inaan fariin codsiya aan udirno madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland oo aan leenahay mudane madaxwayne G/saaxil ka gaadh sedexdan masuul ee shaqadoodii ka talaabsaday ee isku badlay Campaineriska Xisbiga kulmiye
Iyagana waxaan leeyhay ilaahay ka cabsada oo xilkan aad haysaan waa la idin waydiin doonaaye khayrka iyo wax umada wax taraaya ka shaqeeya .
Prepard :A/qadir Yool
Free journalisam Sweden
This post has been viewed 574 times.






