Soo dhaweynta Xagla Toosiye uu Hargeysa kala kulmay ma shirqool la degeybaa, ma xeer cusubbaa mise waa xal siyaasadeed?
Yaabaye, ma ninkii wax dila ayuubaa Somaliland la dhageystaa? Mise ninka dulmi diidka ah, ee dacartiisa la dhan dhamiyo ayaa mudan in cadawgiisu roog cas u dhigo?
Xagla Toosiye armaan ku qaldamay markii aan lahaa, “ma markii uu dhiiggii dhalinta tolkii ah ku soo fool dhaqday ayuu ka tashaday”, Armuu xaq u dirir ahaa. Immigana uu gaadhay hadafkiisii oo maamulka Somalilandna garawsatay? Haddana maya baan is leeyahay.
Dhaqankii hore ee Somalida ayaa waxa ku jirtay maah maahda odhanaysa. ‘ Ninka warankaagu galo ayaa weedhaaduna Gashaa’. Taasi oo macnaheedu yahay marka aad wax iska celiso ayaad nin tahay, oo lagu dhageysan karaa.
Isku soo wada duuboo, weedhaha ay kala garawsadeen kooxda Mujaahid Xagla Toosiye iyo Maamulka Hargeysa, haddii aan la isku khayaamaynayn. Waxa ay ubucdoodu noqonaysaa….waan is fahamnay, oo ma kala adkin, dulmina waa jiraa, laakiin caddaaladda gaadhi kari maynee aan tacaddiga yarayno, si uu dhiiggu u yaraado. Laakiin laguma heshiin in cadka dawladnimo ee beelaha Somaliland aanay weli qaybsan laga wada hadlo amma deeqaha dunida laga helo si xalaal ah loogu qaybiyo gobollada Somaliland.
Sidoo kale lagama wada hadal dulmiga guud ee dadku kala tirsanayaan. Caddaalad darraduna kuma koobna uun Bariga, ee Hargeysa ayaa dulmi yaallaa, Burco ayaa dulman, Borama ayaa dulman, Laascaanood ayaa dulmi yaallaa, Berbera ayaa uu yaalla, Dilla ayaa uu yaallaa. Taasina waxa ay u baahan tahay in fadhi qaran laga yeesho, la daraaseeyo, oo si mustaqbalka loogu gudbo horumar loo soo noqdo caddaaladda, balse waa na’iifnimo in si gaar loo muslaxo Xagla Toosiye, iyada oo hoosta laga xarriiqayo in ay dadkii hore hurdaan amma aanay talo lahayn.
Haddiise afleyda loo qaatay in beesha Xagla Toosiye waax waax loo jar jaro ammaba ay muqmadda ( mur mure ) ku macaan yihiin….waa sheeko kale, waayo waxan ogahay in aanay maanta Mujaahid Xagla Toosiye dadkiisu la socon. Jilib yar oo gooni loola shiraana ay ka dhigan tahay muqmaddaa aan sheegay.
Halkaa marka la marayo waxa dilayaal badani ay ganacsi ka deyi doonaan, xabbadda dhuunta u saran qorigooda, ee ay sida dhibta yar afka uga baxi karto, si iyaga oo hiigsanaya in ay yeelaan sidii Xagla Toosiye (Raamboo) uu Hargeysa 50ka baabuur ugu soo galay. Kaddibna ay madaxtooyda ku galeen xawaaraha kibirka.
Laakiin sida aan dhaqanka Somalidu ahaan jiray, ayaa is dilka iyo heshiintu weligeedba ay ahaayeen lammaane aad isugu dhaw, welina waxa ay ku dambeysaa dhinaca bariga Somaliland, laakiin Galbeedka waxa laga cayaaaraa is dil kale oo qofka maamulka ka tirsan uun dhagaha laga raaco amma xididdada loo jaro, hase yeeshee in qabiil la collaystaa waa mid ka tirantay buugta Galbeedka Somaliland, kamana maqna ta Xagla Toosiye uu sameeyey oo ah in nidaamka Maamul lala dagaallamo. Oo xabbadda loo qaato.
Aan dulucda maqaalka u soo noqdee, xeeladda dacawada ee Wasiirada beelaysani kala hor tegeen Mujaahid Xalo, waa xal doon ee maaha in waxa dadku tabanayaan ay wax ka qabtan karaan. Laaluushkuna haddii uu jiro waa Magtii dadkii dagaalka ku dhintay amma waa xaqullihii Ramadaanta la bixin jiray, oo si dadban la isku siinayo….Waxase la sugayaa waxa uu Xagla Toosiye iyo dadkiisu ku macneeyaan socdaalkooda ay ku tegeen Hargeysa iyo fara qabsiga lacageed ee ay reer Hargeysa ku sheegeen sahayda.
Haddiise dhinac kale laga eego, ma xuma in nabadaynta beelaha dabka isku haysta laga hawl galo, oo weliba bisha Ramadaan ay hirgasho. Laakiin haddii la illaabo in gari Allay taqaanaaye caddaalad la sameeyo, waa iska khayaamo cad, oo Ilaahayna arkayo ummadduna ay u jeeddo. Qalbigaaga oo muslaxad khayaamo ka buuxdaana waa mid subxaana leh. Waxana ka dambayn doonta arrin fool xun oo lagu cibro qaato. Sidaasi daraaddeed waxa aan leehay madaxda Somaliland lama waarayee war ha idinka hadho. Qalbigiinna iyo ficilkiinnana mideeya. Haddii kale waa maraqiinna.
Ahmedweli Goth
This post has been viewed 554 times.






