Orodyahan Maxamed Faarax Oo Maanta La Kulmay Ra’isal Wasaaraha Britain David Cameroon Oo Casuumad Ku Qaabilay No.10 Downing Street Daawo Sawirada

Posted by on Aug 12th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

London (Halbeegnews)– Ra’isal wasaaraha dalka ingiriiska David Cameron ayaa gallabta gurigiisa No.10 Downing street ku martiqaaday orodyahanka dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland una ordaayey dalka Britain Maxamed Faarax oo labadii todobaad ee ugu danbeeyey ka soo hooyay cayaarahii Olymikiska guulo taariikhda gallay.

kulankani ra’isal wasaare Cameron iyo Maxamed Faarax ayaa ka danbeeyey ka dib markii xallay si rasmi ah Maxamed Faarax loogu caleemo saaaray inuu noqday Atlatikiskii ugu wanaagsana ee abid taariikhda Britain soo mara, Cameron oo ag taagan Mo ayaa wuxuu yidhi “waxaan u hambalyeynaya guusha baaxadda leh ee ay soo hooyeen kooxda GB ee uu hormoodka u ahaa xidigayaga aanu ku dhaadanayno Maxamed Faarax, waxaan odhan kara iyadoo lagu jiro wakhti dhaqaalaha ingiriisku aanu fiicnayn, kooxdayadii guul ayey soo hooyeen” ayuu yidhi ra’isal wasaaraha Britain Cameroon.

Cameroon oo hadalka sii wada wuxuu yidhi “yaa yidhi Britain kuma guulaysan karto, Maxamed Faarax wuxuu noqday haldoor ku callaamadaysan guusha Britain wuxuuna gaadhay meel aanan weli hore u gaadhin” ayuu yidhi Cameron, dhinaca kalana Maxamed Faarax ayaa u mahad celiyey Cameron iyo shacabka Britain isagoo sheegay inuu sii wadi doono guusha.

Maxamed Faarax wuxuu noqday Atlatikiskii ugu horeeyey ee Ra’isal wasaare Cameron ku qaabilo gurigiisa No.10 Downing street, waxaana la filaya inay boqoradda Queen Elezebeth iyo qoyska boqortooyadu dhawaan qaabilaan.

waxaa kulankani Maxamed Faarax ku wehelinaayey cayaaryahankii kubadda cagta ee reer Brazil Pele iyo orodyahankii reer Ethiopia Hiaile Gabrasalase

Halbeegnews, London

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 1926 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright