Xildhibaan Indho-Indho Oo Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Ku Baaqay In Ciidanka Qarranka Laga Dul-qaado Laascanood Maadama Buhoodle Laga Dulqaaday, Nidarna Ku Maray Inay Reer Laascanood Sida Reer Buhoodle Dhiig Yeelan Doonaan

Posted by on Aug 12th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)– Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-Indho oo ka tirsan mudanayaasha aqalka sare ee guurtida Somaliland ayaa si cadho leh wuxuu u cambaareeyey go’aankii madaxweyne Siilaanyo dhawaan uu ciidamadda qarranka Somaliland uga soo raray Aagga Sool-joogto iyo Maygaagle, wuxuuna Xildhibaan Indho sheegay maadama ciidanka laga soo dul-qaaday Buhoodle inaanay ciidan qarran oo danbe oo Somaliland leedahay aanay xaq u lahayn inay Laascanood dul fadhiyaan, wuxuuna nidar ku maray inay reer Laascanood dagaal u geli doonaan sidii ciidankaasi looga soo qaadi lahaa isagoo ku eedeeyey Siilaanyo inuu qaranimadii Somaliland shallay burburiyey.

Mudane Indho-indho oo arrinta ka hadlaya wuxuu yidhi “saw maanta ciidankii la lahaa qarran ayuu matalaya lagama saarin dhulkii uu matalaayey, marka ciidan qarran noqon maayo eh waa inay naga baxaan, haddii ciddii wax disha aanay qabanaynin maxay naga dul fadhiyaan, ha naga soo baxeen anaga nabadgelyadyada ilaashanayna, ciidan qarrana maaha ee Siilaanyo ayaa qabiil ka dhigay, maanta laga bilaabana reer Laascanood waxay raadsan doonaan siday isku xorayn lahaayeen” ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho.

Xildhibaan Indho-indho wuxuu canbaareeyey maxaabistii reer Buhoodle ee oodda laga qaaday “todobaadtan ka mid ah maxaabiista anaga isku jufo hoose ah, gacantayada ayaanu ku qabanay oo ku keenay haddii aan waxba la iska weydiin oo Xaglatoosiye lagu sharfay waxaan leeyahay tolkay maanta cid idinkula hadli karta ma jirto inaad xaqiina idinkoon cidna uga habranayn u dagaalantaan” ayuu yidhi Xildhibaanka oo wajigiisa cadho badani ka muuqato.

Go’aankii Siilaanyo uu ku qaatay inuu ku fulliyo awaamiirtii xaglatoosiye dul dhigay ayaa waxay si weyn uga cadhaysiisay siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanadda Sool, Sanaag Berri iyo degmada Buhoodle kuwaasi oo qaarkood ay ilaa xallay shirar hoose arrintani ka lahaayeen

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com

 


This post has been viewed 793 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright