Hargeysa (Halbeegnews)– Sida ilo xogogaal ah oo warbaahinta soo gaadhayaa tibaaxayaan koomiishanka doorashooyinka qarranka Somaliland ayaa u asteeyey inay dhacdo doorashada golayaasha deegaanka dalku 1 Bisha November ee sannadkani 2012 oo ay hadda inaga xigaan seddex bilood iyo toban maalmood.
Waxaana wararka aanu hellayna tibaaxayaan in ay maanta u gudbiyeen astayntaasi Madaxweynaha Somaliland isla markaana ay 24 saacadood ee so socda shaaca kaga qaadi doonaan warkani.
arrintani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo uu jiro muran dhinaca sharciga ah oo u dhexeeya guddidii kala reebtay ururadda siyaasadda Somaliland iyo ururaddaasi kaasi oo ka socda maxkkamadda sare ee Somaliland
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 344 times.






