Hargeysa (Halbeegnews)–Wasiiradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale, Maxamed Nuur Carraale Duur iyo Xirsi X Cali ayaa maanta Hargeysa ka galbiyay Xagla Toosiye oo ay Xukuumaddu farta ka saarayaTiro Maxaabiis Beeshiisa ah oo lagu qiyaasay 82 Maxbuus iyo kharash aan la qiyaasin cadadkiisa, waxaanay ku sugan yihiin magaaladda Burco.
Sidoo kale waxa ay Xukuumadda Somaliland ka soo rartay deegaanadii ay deganaayeen Ciidamadda Qaranku ee Sool joogto iyo Meygaagle, iyada uu sidaas cadeeyay Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed X Cali Cadami.
Sida ay wararka Burco naga soo gaadhayaa sheegayaan waxa ay Xagla Toosiye iyo Maxaabiista loo sii daayay aroorta u jarmaadi doonaan deegaanadii ay ka soo jeedeen maadaama xukuumadda Somaliland fulisay qoddobadii lagu Heshiiyay.
Ilaa hada wax dhibaato ah oo ay arrimahani keensadeen lama soo sheegin Hase yeeshee warar madax banaan ayaa Waaheen u sheegaya Beesha soke ee deegaanka Qorulugud degtaa inay ka biyo diidsan tahay Heshiiskan ay Xukuumaddu la gashay Reer Buuhoodle, taas awgeedna waxa la sheegay inay burco uga baxeen Odayaal loo diray inay dajiyaan.
Si kasta ha ahaatee wali ma jirto Fulinta Go’aamadan cid siyaasiyan u naqdiday ama ka hor timi hase yeeshee qof kastaa waxa uu u dheg taagaya dhawaaqa ay reer Buuhoodle kaga jawaabaan tanaasulaadkaas loo sameeyay.
Waaheen
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 400 times.






