Magaalada Kismaanyo Oo Ahayd Xaruntii Ururka Alshabaab Oo Caawa Dhulka Cirka iyo Beddaba Laga Garaacayo

Posted by on Aug 11th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Kismaanyo (Halbeegnews)– Sida wararka naga soo gaadhaya magaalada Kismaanyo ee dalka Soomaaliya xaqiijinayaan waxaa caawa laga maqlaayey gudaha magaalada daryanka gantaalo ka soo dhacaayey dhinaca bedda iyo guuxa diyaaradaha dagaalka oo duqaynaayey xarumahii xarakadda Alshabaab ay ku leedahay magaaladaasi.

gantaalahani ayaa la sheegaya inay yahiin nooca loo yaqaano Cruise Misseleska ee ka dhaca maraakiibta dagaalka ee dalka maraykanka oo ku sugan goob aan ka fogayn xeebta magaalada Kismaanyo, waxaa sidoo kale loo malaynaya in diyaaradaha dagaalka dalka Kenya oo ay xoojinayaan diyaaradaha dagaalka ee dalalka reer galbeedku ay magaalada ku bilaabeen weeraro dhinaca cirka ah, halka dhinaca dhulkana la sheegayo in ciidamadda AMISOM oo ay wehelinayaan ciidamo Ethiopian iyo Kenyan iskugu jira ay ku siqayaan gudaha magaalada Kismaanyo.

ma jirto habayaraate wax faahfaahin ah oo ka soo baxay duqaymahani ugu danbeeyey ee caawa lala beegsaday magaalada Kismaanyo balse waxaa la filaya in magaalada laga saaro Alshabaabka ka hor intaan Soomaaliya loo dooran hogaan cusub August 20-keeda.

Magaalada Kismaanyo ayaa xarun waxay u ahayd xarakadda Alshabaab oo dagaalo curyamiyey noloshii dadka Soomaaliyeed ka soo abaabulaayey waxaana la rumaysanyahay inay magaaladaasi ku suganyahiin hogaanka ururkaasi, haddii Alshabaabka laga takhaluso oo laga saaro Kismaanyo waxay ku noqon doonta guul darradii ugu weynayd ee la soo darista iyadoo horaba looga saaray goobo muhiim ah gobolada dhexe iyo kuwa koonfurta Soomaaliya

Halbeegnews, Kismaanyo

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 569 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright