Ciidamo Booliis Ah Oo Habeen Hore Xoog Ku Gallay Xaruntii Wergeyska HAATUF Ee Caasimadda Hargeysa, Waxay Garaaceen Ilaaliyayaasha, Waxaanay Danbabareen Xafiisyada Wergeyska, Wergeyska Haatuf Oo Ku Eedeeyey Falkani Hogaanka Xisbiga KULMIYE

Posted by on Aug 11th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)– Ciidamo Booliis ah oo wata gawaadhi tikniko ah ayaa habeen hore waxay galalafeen xaruntii wergeyska HAATUF ee caasimadda Hargeysa iyagoo ciidamadda Booliisku jidhil iyo garaacis dhulka ugu tuuray ilaaliyayaashii xarunta wergeyska isla markaana gudaha u gallay xafiisyadii wergeyska, waxay ciidamadda Booliisku ka hor joogsadeen weriyayaasha Wergeysku inay hawshooda gutaan, iyagoo albaabada u laabay qadar saacado ah.

Wergeyska Haatuf ayaa dhacdadani canbaareeyey waxaanay ku tilmaameen in tani oo kale ay soo martay sannadkii 2007-dii, Wergeyska Haatuf waxay dhacdadani eedeeda dusha u saareen hogaanka xisbiga KULMIYE haddaba qoraal uu wergeysku kaga hadlaayo falkani ku habsaday ee ciidamadda Booliisku xoog ku galleen xaruntii wergeyska ayaa waxay ku yidhaahdeen sidani:

Ciidamo bilays ah ayaa xiligii Afurka Shalay galab si sharci daro ah ula wareegay xarunta Wargeyska Haatuf, kuwaas oo hor istaagay in Shaqaalihii iyo Wariyayaashii ka hawlgalayey Wargeyskaasi ay gudaha u galaan xafiisyadooda, isla markaana ku horjoogsaday xayndaabka dibada, una sheegay inaanay gali Karin Xarunta Wargeyska oo amar lagu soo siiyey.

Ciimadan bilayska ee shalay galab la wareegay xarunta Wargeyska Haatuf ayaa iyagu isla markiiba isku soo qaaday albaabka xaruntaasi oo xidhnaa, isla markaana xoog ku soo galay gudaha kadibna xabsiga u taxaabay Waashmaankii xarunta Wargeyska Haatuf oo ay Garaaceen, kaas oo xiligaasi ku sugnaa xarunta Kalidii.

Kooxdan Ciidamada Bileyska ayaa markii ay gudaha u soo galeen xarunta Wargeyska waxay isla markiiba ku bilaabeen qaar ka mid ah xafiisyada baadhis xoog leh oo ay ku galalafeen agabkii iyo qalabkii yaalay, kuwaas oo markii dambana isku kala qaybiyey gudaha xarunta iyo xayndaabka sare ee dhismaha dayrka. Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga cida soo abaabushay ciidamadaasi, hase yeeshee waxa ilo xogogaal ahi ay sheegayaan inay ka dambeeyaan hogaanka xisbiga Kulmiye qabsashada xarunta Wargeyska Haatuf, taas oo ah talaabo ka soo horjeeda shuruucda iyo qawaaniinta dalka u taala in xoog lagu soo galo xarun wargeys, isla markaana laga horjoogsado hawlwadeenada shaqada saxaafada ku gudanaya xaruntaasi.  Wargeyskan Haatuf ayaa dhacdadan oo kale ay soo martay 2007 xiligaas oo koox bileys ahi ay weerar kusoo qaadeen xarunta Wargeyska iyagoo guddoomiyihii Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftirihii xiligaa Cali Cabdi Diini xabsiga u taxabaay, iyadoo dhawr ayaamood kadibna la xidhay Maxamed Cumar Sheekh wariyihii Haatuf u fadhiyey Boorama, mana jirin wax waaran qabasho ah iyo baadhis ah oo ay siteen ciidamada soo weeraray Xarunta Wargeyska Haatuf, waxaana xusid mudan in madaxdii Bileyska ee fulisay weerarkii iyo xadhigii wakhtigaasi loo gaystay Haatuf ay xiliganna wali xilal ka hayaan hogaanka sare ee Bileyska Somaliland”

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 336 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright