Gabiley (Halbeegnews)– Faysal Cumar Madar oo ka mid ah qoyska orodyahanka u dhashay reer Somaliland ee taariikhda Olymbikadda baalka dahabka ah ka gallay caawana ku guulaystay orodka 5000 Metre Maxamed Faarax ayaa qoraal hambalyo ah oo uu warbaahinta Halbeegnews ka mid tahay soo gaadhsiiyey wuxuu ugu mahad celinaya dhammaanba ummadda afka Soomaaliga ku hadasha guusha uu ka soo hooyay orodadaasi, wuxuu Faysal Cumar qiray inuu Maxamed Faarax ka soo jeedo asal ahaan qarran la yidhaahdo Somaliland.
Qoraalka mahadnaqa ah ee ka yimid qoyska Maxamed Faarax isla markaana uu ku saxeexanyahay Faysal Madar Axmed waxaa lagu yidhi sidani:
“
Bulshada Caalamka, Dalalka Muslimka ah, Boqortooyada Ingiriiska, Jaamacada Carabta, Dalalka Bariga Afrika, Bulshada Af-soomaaliga ku hadasha gaar ahaan Ummadda Reer Somaliland, anigoo ku hadlaya magaca Qoyska Maxamed Faarax (Mo Farah), waxaan uga mahad-celinayaa sida Xamaasada iyo qiirada leh ee ay taageerada ula garab-taagneeyeen Orodyahankaasi ku cararayay magaca Boqortooyada ingiriiska asal ahaan u dhashay Somaliland, kaasi oo magac iyo milgoba u soo jiiday Dalka uu magaciisa huwan yahay iyo Qaranka Somaliland ee uu Calankooda iyo sharaftoodaba tusay Bulshada Caalamka.
Ordyahan Mo Farah maaha taageerada reer Bulshada Reer Somaliland u hayso mid ku timid asalnimadiisa uu ka soo jeedo Somaliland ee waa mid ku timid wadaniyada uu u hayo dalkiisa ee ka muujiyay huwadayna Calanka Somaliland.
Waxa Xusid mudan Marwada qaaliga ah ee Marwo Edna Aadan oo Bulshada Caalamka u qeexday asal ahaan halka uu ka soo jeedo Mo Farah ee Somaliland iyo sida Oradyahankani ugu tartamo Ciyaaraha Caalamiga ah magaca Boqotooyada Ingiriiska.
Mo Farah wuxuu iftiimiyay rajada iyo mustaqbalka Dhalinyarta Somaliland oo uu tusay haddii ay helaan dhiiri gelin iyo in la garab qabto Dhalinyarta mowhibada u leh Orodka oo kaalmo hore ka geli lahaayeen tartamada Caalamiga ah.
Waxa kale oo iyana xusid mudan sida ay Xukuumada Somaliland xilka iskaga saartay sidii ay ugu dhaadan lahaayeen magaciisa gaar ahaan Wasiirka Dhalinyarada, Dhaqanka iyo Ciyaaraha ee hadda oo isla markii uu ku guulastay Bilada Dahabka ah ee 10,000 Mitir ee Ciyaaraha Olombikada London 2012 warbaahinta Caalamiga ah uga hambalyeeyay Orodyahan Mo Farah xusayna in aanu Boqortooyada Ingiriiska oo qudha magac u soo jiidin ee uu kor u qaaday Magaca Somaliland, iyo Wasiirkii hore ee isaga ka horeeyay ee Cabdi Siciid Faahiye oo xil wayn iska saaray soo dhawaynta booqashadiisii uu sanadkii hore ku yimid Somaliland.
Haddaba, Waxa aanu Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqaynaa in ay qorshe cad oo wax-qabad oo ay kula shaqeeyaan Orodyahankaasi reer Somaliland ee Caalamiga oo leh Haayado Caalami ah oo wax-qabad sida (Mo Farah Foundation) iyo siddii ay Xidhiidhada Caalamiga ah ee Cayaaraha kala duwan uu ugu xidhi lahaa iyadoo la adeegsanayo magaciisa, hubaal ay tahayna in ay Xidhiidhadaasi wax-qabado iyo taakulayn dhinaca Cayaarah ah ka gaysan lahaayeen Somaliland, sidaasi darted waxaanu mar labaad iyo mar saddexaadba ugu baaqaynaa Xukuumadda in aanay fududaysan arrintaasi muhiimadeeda leh.
Ugu dambayntii waxa mahad oo dhan iska leh Allaha wayn ee u suurta-geliyay Mo Farah isagoo Sooman inuu mar kale ku Guulaysto Xalay Bilada Dahabka ee Orodka 5,000 ee Mitir.
Faysal Cumar Madar”
Halbeegnews, Gabiley
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 669 times.






