Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday In Ciidanka Qarranka Laga Soo Saarayo Gobolada Beriga Somaliland Laguna Soo Celinayo Dhul Ka Durugsan, Hawl-galkii Daad-guraynta Ciidanka Oo Bilaabantay, Iyo Maleeshiyaadkii Khaatumo la Baxay Oo soo gallay dhulkii Ciidanka laga Saaray

Posted by on Aug 11th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)– Wasiirka gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa maanta isagoo si gaar ah ugu waramaayey warbaahinta wuxuu shaaca ka qaaday in xukuumadda uu ka tirsanyahay go’aan ku gaadhay inay dib usoo rarto ciidamaddii qarranka Somaliland ee aagga maygaagle iyo Sool-joogto iyadoo ayuu yidhi la fulinayo go’aamadii Xukuumadda Somaliland la gashay Saleeban Xaglatoosiye.

wasiirka gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami wuxuu sheegay in ciidanka qarranka dib loogu soo celinayo aagagii ka hor dagaalka ay fadhiyeen oo ah dhulka galbeed kaga beegan aagaasi, isagoo sheegay in saraakiil ciidanka qarranka ka tirsan loo xil-saaray daad guraynta ciidanka.

Dhinaca kalana wararka Halbeegnews ka hellayso jiidda hore ee Maygaagle iyo Sool-joogto ayaa tibaaxaya in maanta ciidamadda qarranka laga soo daad-guraynaayey aagaasi iyadoo dib loogu soo celiyey meel duleedka berri kaga beegan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Arrintani ayaa waxay noqonaysa fadeexad siyaasadeed oo horleh iyadoo gacan ku haynta goobahani laga soo raray ciidanka qarranka Somaliland ay ahayaeen goobo istaraatijiya oo markii hore kooxa fidmo wadayaasha ah ee Khaatumo la baxay ay ciidanka dagaalo kaga soo qaadi jireen, gacan ku qabashadda aagagani waxaa u naf waayey labaataneeyo askari oo ka tirsan ciidanka qarranka Somaliland oo maanta xaasaskoodii iyo caruurtoodiiba ay ku Aabayaal beeleen iyadoo qabta dhiiga nafaf qaali ah oo ciidamadda qarranka Somaliland.

Tallaabadani ay xukuumadda Siilaanyo qaaday ayaa ah fashil siyaasadeed oo ay ku hagal-daacisay qaranimadii iyo jiritaanka Somaliland iyadoo ciidanka qarranka laga saaray dhulkoodii sababtuna ay tahay iyadoo laga tanaasulay in dhulkaasi yahay dhul ka mid ah Somaliland.

Wararka aanu ka hellayno aagaasi ayaa tibaaxaya in durtaba dhulkii ciidanka qarranka laga saaray ay kooxaha maaleeshiyaadka Khaatumo la baxay ay soo galleen, kuwaasi oo kaga dhawaaqay guul ay gaadheen.

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 407 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright