Hargeysa (Halbeegnews)– Xukuumadda Somaliland ayaa maanta xorriyadoodii usoo celisay ugu yaraan 50-meeyo maxaabiis ah oo ciidamadda qarranka Somaliland ay ku qab-qabteen dagaaladdii ka dhacay duleedka magaalada Buhoodle horaantani sannadkani arrintani oo qayb ka ah heshiiskii ay Xukuumadda Somaliland la gashay hogaamiyaha jabhadda SSC Saleeban Xaglatoosiye.
Taasi bedelkeeda waxaa iyadana la sheegay in magaalada Buhoodle maanta xorriyadoodii loo soo celiyey ugu yaraan 6 maxbuus oo ka tirsana ciidamadda qarranka Somaliland oo dagaaladaasi ugu gacan gallay kooxda Khaatumo State la baxday.
kala wareejinta maxaabiistani ayaa waxaa gacan ku lahaa Ururka haayadda bisha cas oo is dhaafsiga maxaabiistani gacan weyn ka cayaaray.
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 429 times.






