Berbera (Halbeegnews)–Xoolo gaadhaya 75.000 oo neef oo dul hoganaya maxjarka al-jaabiri kadib markii lacagta ay ka qaadato xukumadu maxjarka ku kodhisay,xoolahan ayaa maamulka maxjarka u diiday iney gudaha maxjarka galaan iyadoo aan laga heshiis lacagta kordhisiimada.
Ganacsatada xoolaha dhoofisa ayaa iyagu aad iyo aad uga hadlay dhibaatada xoolaha soo food saartey,iyadoo xoolahasi ay debeda ka joogaan maxjarka,isla markana xili xagaaya oo aaney jirin xeryihii xoolaha ee ganacsatadu u dhisi jireen waabo xooluhu hadhsadaan,oo isbedel ku yimi markii la furey maxjarka.taaso xooluhu taagan yihiin meel uu ka jiro bacad kuleyl badan oo aan loogu talo gelin iney kusii nastaan.
Shirkada al-jaabiri ee iyadu maamusha maxjarka ayaa soo dirtay wefti uu hogaaminayo wakiilka guud ee ganacsadaha carbeed ee Al-jaabiri Xasan Al-xasaani,si uu xukumada ugu la soo xaajoodo lacagta ay kordhisay,weftigaas oo mudo shan maalmooda ku sugan caasimada ayaa Markii ay xukumada Somaliland ka waayeen wax garawshiiya ah iyo qaabilaad toona maanta oo jimce ah ka dhoofay dalka iyaga oo cagajiidaya Waxaanay ka ambabaxeen garoonka diyaaradaha ee berbera
Dhinaca kale maamulka maxjarka ayaa joojiyey xoolihii maxjarka soo galayey iyagoo ka baqanaya in lacagta lagu kordhiyey.
Xukamada ayaa xiligii xilka qabatey soo saartay degreeto ay ku dhimayso qiimaha lacagta ay ka qaadato maxjarka,iyadoo soo saartey qiime calaa neef ku saleysan oo ay ka qaadan doonto kaaso ahaa sidan.neef adhiga 0.5 dollar,geela iyo lo’da 3.00 Dollar,halka iminka ay kusoo rogtay in maamulka maxjarku bixiyo adhiga 1.5 dollar,geela iyo lo’dana 4.5 doollar.
Wasiirka wasaarada xoolaha ayaa isagoo ka hadlaya qiimahan korsiimada,meesha ka saarey qiimihii xukumadiisu dhintay markii ay xilka la wareegtay xikumadii hore,isla markana ku dabaqay kii hore ee ay dhimeen korodhka hada.
Xoolaha nool ayaa sida aynu ognahay ah laf dhabarta dhaqaalaha dalka ,isla markaana u baahan in qorshayaal degan oo leh qaab si fiican looga fikirey in lagu maamulo dhinac kasta.sidoo kale waxaa xukumada looga baahan yahay iney xusuusnaato xiligii xayiraadka xoolaha somaliland iyo Somalia dhibaatadii lagala kulmay iyo xaaladii qalafsaneyd ee dhaqaalaha dalka ku timi.
Maxamed Cabdilahi Soo fadhiiste
Halbeegnews, Berbera
soofadhiiste@hotmail.com
This post has been viewed 343 times.






