Hargeysa (Halbeegnews)– Sida cadadyadii shallay ee shabakaddani caalamiga ah ee Halbeegnews ku baxday war ku saabsana iskuulka Abaarso Tech ee ku yaalla duleedka caasimadda Hargeysa, warkaasi oo ku saabsana khilaaf u dhexeeyey Ninka maamula dugsigaasi Jonathon iyo maamulka wasaaradda waxbarashada.
Haddaba Halbeegnews baadhitaan ay samaysay 24 saacadood ee ugu danbeeyey waxaanu ku ogaanay in warkii aanu daabacnay shallay aanu gebi ahaantiiba si sax ah u bixin ee uu dhinac keliya ka rara iyadoo weriyayaashii xogtaasi sameeyey aanay labada dhinac ka eegin.
Waxaanu marka hore raali gelin buuxda ka bixinayna arrintani anagoo raali-gelinta siinayna akhristayaasha qiimaha leh ee Halbeegnews meel kasta oo ay joogaan iyadoo aan nalooga baran arrimahani oo kale isla-markaana khaladaadka noocan oo kale ahi ay yahiin qaar aad u yar marka loo eego shabakadda Halbeegnews oo ah shabakad ay ka hawl-gallaan weriyayaal cidhifyada dunida jooga.
Marka xigta waxaanu raali gelinta siinayna masuuliyiinta iyo maamulka wasaaradda waxbarashada Somaliland oo aanu ka raali gelinayno xuruuftii warkaasi ku qora haddiiba ay dhibsadeen, waxaananu halkani ka caddaynayna in Marwo Samsam Cabdi Aadan wasiirka waxbarashada Somaliland ay tahay Marwo sharaf iyo karaamo ummadda Somaliland meel walba ka mudan isla markaana waxqabadkeeda dhinaca wasaaradda waxbarashada la taaban karo, waxaanu sidoo kale raali gelinta gaadhsiinayna dhammaanba masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada.
Waxaanu baadhitaan ka dib ogaanay in arrinta Abaarso Tech ay tahay arrin dhinaca sharciga ah, isla markaana aanay wax gacan ah ku lahayn warkii shallay baxay, ugu danbayntiina waxaanu raali gelintani gaadhsiinayna dhamaanba cidii dhibsatay warkaasi gudo iyo dibadba.
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 504 times.






