Wergeyska Guardian Oo Bogiisa Hore Saaka Ku Daabacay Qoyska Orodyahanka Maxamed Faarax Oo Ku Nool Tuulo Aan Laydh Iyo Biyo Lahayn Duleedka Wajaale Haddana Qalbiga Ka Taageeraya Maxamed Faarax Daawo Sawiradda

Posted by on Aug 10th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Maxamed Faarax walaalkii Faysal Faarax iyo Hooyadii Amran waxay usoo lugaynayaan magaalada Wajaale oo ugu dhaw goob Telefishan ay ka daawadaan

Gabiley (Halbeegnew)– Weriyaha wergeyska Guardian ee dalka ingiriiska ee David Smith oo hadda ku sugan magaalada Gabiley ee Somaliland ayaa wuxuu booqasho ugu tagay tuulo yar oo ay degenyahiin qoyska orodyahanka caanka ah ee dalka Britain haystana biladda dahabka ah ee orodka dheer ee tobanka kun ee dunida Maxamed Faarax oo aan ka fogayn magaalada Wajaale ee ku taalla xuduudka Somaliland iyo Ethiopia.

Weriye Smith wuxuu warbixintiisa ku bilaabay “tuuladda yar ee ay degenyahiin qoyska Maxamed Faarax waxay ku taalla dhul gari go’an ah   oo aan lahayn jidad toos ah oo galla, raadka keliya ee muujinaya inay tahay goob la degenyahay waa raadka gaawaadhida oo tuuladda yar cidhif cidhiidhi ah ka gallaya, goobta waxaan ku arkay dhawr sac, dameero ku raran xaabo, waxaa goobta ku sugna oo joogay Faysal Faarax oo ah wiil ka weyn orodyahanka Maxamed Faarax, labadiisa ilkood ee hore waxay isku bedeleen midab huruud ah, wuxuu xidhanyahay jaakeet buluug ah”

Sabtida todobaadkani Maxamed Faarax wuxuu ordaya orodka 5000 ee Metre walaalkii Faysal wuxuu uga soo daawasho tagi doona tuuladda yar ee uu degenyahay magaalada Wajaale oo ugu dhaw goob telefishan leh oo laga daawado, waxaa safarkaasi Faysal Faarax ku wehelin doona hooyadood ahna Maxamed Faarax hooyadii Amran oo iyadu degen dhulka ka go’an magaalada wallow wiilkeeda Maxamed Faarax uu noqday Milyan dheer laga yaqaan dunida inteeda kale, waxaanay Hooyo Amran ay ku biiri doonta boqolaal qof oo Wajaale ku daawan doona orodkiisa.

Faysal Faarax oo ah Maxamed Faarax walaalkii ayaa u sheegay weriyaha Smith “markii uu ku guulaystay todobaadkii hore orodka waxaan u qarxi gaadhay sida banbaabadda oo kale farxad daraadeed” ayuu yidhi Faysal Faarax oo todoba gu’ ka weyn Maxamed Faarax da’diisu tahay 37 sanno jir.

Isagoo hadalka sii wada wuxuu yidhi “markuu guulaystay waxaan la dabaal degaynay boqolal qof oo tuuladda ku noola, waxaana aanu siinay hadyado hilib iyo qaad habeenkii oo dhana waa la qaylaayey” ayuu yidhi Faysal Faarax oo ay walaalo yahiin Maxamed Faarax

Maxamed Faarax waa ilmaha afraad qoys ka kooban sideed caruur ah, Faysal Faarax oo ka waramaya Maxamed Faarax markii uu joogay tuuladda siduu ahaa wuxuu yidhi “waxaanu ahayn saaxiibo inkasta oo aan aad uga weyna, waanu wada ordi jiray, laakiin mar walba wuu iga dheerayn jiray, kubadda ayaanu wada cayaari jiray, wuxuu ahaa nin cajiib ah” ayuu yidhi Faysal.

Qoyska uu ka soo jeedo Maxamed Faarax aabahood wuxuu ahaa nin ganacsade ah waxaanay ku noolayeen nolol wanaagsan, waxay lahaayeen guri daar dhagax ah, laakiin dagaaladii ka dhacay Soomaaliya sannadahii 80-maadkii ayaa ku kelifay inay qoyska noloshoodu sidoo kale ay burburkaasi la ciirto, wakhtigaasi waxay degenayeen muqdisho, markii dhinaca Somaliland xaaladdu degtay ayey yimaadeen Somaliland iyagoo nolosha ka bilaabay meel hoose “waxaanu noqonay qoys faqiir ah, noloshii waxaanu ka bilawnay meel hoose, horaantii 90-aadkii Maxamed Faarax wuxuu raacay qoyska adeerkii oo uu la degay magaalada Jibouti.

Intaa wixii ka danbeeyeyna wuxuu la noola adeerkii oo korsaday iyagoo markii danbana soo wada gallay dalka boqortooyada ingiriiska, Faysal oo la weydiiyey inuu mar doonayo inuu walaalkii la noolaado wuxuu yidhi “haa walaalkay wuxuu hellay nolol fiican, laakiin anigaan jeclayn inaan yurub tago, waxaan labada ka doorbida oo aan ka jecelahay inaan halkani nolosha miyiga oo aan ku soo ceeshay”.

Faysal Faarax wuxuu sheegay in walaalkood qoyska usoo dhisay ugu yaraan laba guri “wuxuu noo soo dhisay laba guri, oo dhagax ah, noloshayaduna hadda aad ayey u wanaagsantahay” ayuu yidhi.

Si aad u akhrisato warbixinta Wergeyska The Guardian ee Maxamed Faarax halkani guji

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 1379 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright