Hargeysa (Halbeegnews)– Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland isla markaana lagu tilmaamo inuu ahaa wasiiru daakhligii Somaliland yeelato kii ugu wanaagsana ee taariikhda soo maray Cabdilaahi Ismaaciil Cali Ciro ayaa gallabta isagoo u waramaayey warbaahinta qayb ka mid ah wuxuu ganafka ku dhuftay inuu ka mid yahay liis dheer oo Guddoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin uu ku darray, wuxuuna Mudane Cirro sheegay inuu xisbiga UDUB mar hore ka baxay isla markaana aanu siyaasadda gebi ahaanteedba wakhtigani aanu niyad u haynin xil iyo xisbi kalana aanu doonayn isla markaana door biday inuu dibadda ka joogo.
Mudane Ciro wuxuu sheegay inuu go’aansaday inuu UDUB ka huleelo ka dib markii ayuu yidhi Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin ay xisbigii isku qabsadeen isla markaana ay ka diideen ayuu yidhi inuu ka odayeeyo “ waxaan halkan ka cadaynayaa inaan Siyaasad wakhtigan diyaar u ahayn isla markaana Xisbiga UDUB aan ka baxay Xisbi kalena aanan ku biirayn. Guddida Rayaale igu darayna la igalama tashan sidaas daraadeed waxaan Caawa cadaynayaa sababta aan Xisbiga uga baxay inay tahay khilaafka labada garab ka dhigay oo ay Diideen xal in lagu dhameeyo labada dhinac” ayuu yidhi Mudane Ciro.
Cabdilaahi Ismaaciil Cali Ciro ayaa tan iyo markii uu xilka wasaaradda arrimaha gudaha ku wareejiyey Dr. Gaboose sannadkii 2010-kii aan dib loogu arag masraxa siyaasadda isagoo badiba noloshiisa inta badan ku qaata inuu cibaadaysto.
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 528 times.






