Suxufi U Dhashay Dalka Estonia Kana Mid Ahaa Tafatirayaasha Waaxda BBC-da Ee Afrika (BBC Africa) Andres Mdlwane Ilves Oo Caawa Si Ku Meel Gaadh Ah Loogu Magacaabay Madaxa Laanta Afka Soomaaliga Ee B.B.C-da

Posted by on Aug 9th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

London (Halbeegnews)– Mid ka mid ah tafatirayaasha  ka hawl-galla waaxda B.B.C-da ee Afrika la hadasha (BBC Africa) oo la yidhaahdo  Andres Mdlwane Ilves una dhashay dalka Estonia haystana dhalashada dalka maraykanka  ayaa loo magacaabay inuu inta sannadkani ka hadhay sii ahaado madaxa laanta afka soomaaliga ee B.B.C-da sida uu boggiisa Twitterka ku xaqiijiyey caawa fiidkii.

Andres Mdlwane Ilves ayaa muddo dhawr iyo toban sannadood ah wuxuu ka mid ahaa tafatirayaasha qaybta Afrika la hadasha ee idaacadda B.B.C-da isagoo horana u ahaa weriye qaybta Afrika ee magaalada Johnnesburg, wuxuu sidani oo kale dhawr jeer oo is xig xiga madax ku meel gaadh ah looga dhigay laamaha sawaxiliga, Urduga, Beershiyaanka, isagoo muddadii ugu danbeeyeyna ahaa ku xigeenka madaxa qaybta Afrika.

Boggiisa uu Twitterka ku leeyahay ayaa wuxuu farriin kooban ku yidhi sidani “waxaa gallabta la ii magacaabay inaan noqdo madaxa laanta Afika soomaaliga ee B.B.C-da inta sannadka ka hadhay, yaa garanaya wixii ka danbeeya”

Madaxii hore ee laanta Afka soomaaliga ee B.B.C-da Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa xilkaasi shallay iska casilay isagoo sheegay inuu Soomaaliya ku laabanayo, balse warar hoose oo soo baxaya ayaa iftiiminaya inuu Yuusuf Garaad kaga tagay laanta afka soomaaliga ee B.B.C-da ka dib markii si meel dhexe ah la iskugu afgartay ka dib baadhitaan laxaadleh oo lagu sameeyey cabashooyin ay ka gudbiyeen weriyayaal ka hawl-gallaayey laanta afka soomaaligu, Yuusuf Garaad ayaa lagu eedeeyey inuu sameeyey intuu joogay laanta Afka Soomaaliga eexasho, cunsurinimo iyo takoorid uu kula kacay weriyayaal laanta hore uga shaqayn jiray oo dacwad ku soo oogay.

Maamulka sare ee laamaha idaacadda B.B.C-da ayaa Halbeegnews caawa khadka telefoonka ugu sheegay in shaqada madaxa laanta afka soomaaliga dabaqayada sannadkani si toos ah loo xayaysiin doono isla markaana la marin doono jaran jaro cadaalad ah, waxaana jagadani durtaba quudaraynaya suxufiyiin ruug caddaa ah.

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 1291 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright