Hargeysa (Halbeegnews)– Saleeban Ciise Kaar (Xaglatoosiye) oo ah hogaamiyaha jabhadda SSC ee ka dagaalamaysay gobolada berri ee Somaliland oo maanta kulan horudhac ah la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa warar xogogaal ah oo Halbeegews ka hellayso xubnahii ku wehelinaayey socdaalkaasi waxay u xaqiijiyeen inuu Xaglatoosiye ku xidhay Xukuumadda Siilaanyo inay fuliso seddex shuruudood intaan wada-hadalka nabadda ee xukuumadda Siilaanyo iyo dhinaca Xaglatoosiye furmin.
Qodobadda uu Xaglatoosiye hor dhigay madaxweyne Siilaanyo ayaa waxay kala yahiin:
1. in ciidamada Somaliland ee jooga jiida Buuhoodle dib loo soo raro laguna celiyo fadhiisamadii ama meelihii dagaalkii Kalshaale horteed ay deganaayeen,iyadaan wax shuruuda la dabadhigiin degdegna loo fuliyo qodobkaas.
2. in shuruud la’aan lagu sii daayo maxaabiista Dhulbahante ee xabsiyada Somaliland ku xidhan ama dagaal ha lagu qabto ama si kaleba halagu soo qabtee waa in la sii daayaa.
3. in saamigii Dhulbahante ku leeyahay dawlada Somalland ama loo ogolyahay hadda la sugo oo la cadeeyo oo la qanciyo, hadda badka la soo dhigo si loogu go’aan qaato.
seddexdani qodob oo qodobka 2-aad iyo qodobka 3-aad u muuqdaan qaar sahlan oo ay xukuumadda Siilaanyo sidooda u fulin karto balse qodobka 1-aad ayaa noqon kara mid aanay xita xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo awood buuxda u lahayn inay ciidamadda qarranka ka soo qaado jiidda aagga berri ee ciidanka qarranka Somaliland gaadheen kuwaasi oo dhalin karo cadho ay ciidamadda qarranka Somaliland iyo weliba shacabka reer Somaliland kula dul dhacaan.
Maalmaha soo socda ayaa loo joogi doona in Siilaanyo iyo xukuumadiisa oo la daala-dhacaysa fadeexado siyaasadeed oo is dul barkaday inay shuruudahaasi Xaglatoosiye fuliyaan iyo inkale.
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 1206 times.






