81 Qof Oo Qoraal Ay Soo Gaadhsiiyeen Halbeegnews Kaga Hadlaya Wershadda Sibidhka Ee Berbera

Posted by on Aug 8th, 2012 and filed under Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Dhammaan akhyaarta magacyadoodu hoos ku lifaaqanyihiin oo ka mid ah qurba jooga ka soo jeeda Gobola Togdheer, Saaxil, iyo Maroodi Jeex iyo Gabiley ayaa halka ku soo gudbinaya fikradda ay ka qabaan iyo aragtidooda ku wajahan hadalo is dabajoog ah oo ka soo yeedhaya koox ka mid ah madaxdhaqmeedka Beesha Subeer Awal:–
Haddii aadamuhu ka xuubsiibto kaalintu kaga aadanaa bulshada, oo hawl aan loo igman tuurta ku qaato waxa hubaal ah in uu lumiyo milgihii, karaamadii, sharaftii, qaderintii, iyo maamuusba. Waxana hubaal ah marka ay arrimaha noocaas ihi dhacaan in su’aalo badan la isweydiiyo. Sida sooyaalka taariikhdeenu sheegayo Madaxdhaqmeedku wuxu bulshada kaga jirijirteyu kaalin mug leh oo ay ku lahaayeen ixtiraam maa daama ay hawsha ay hayaan aqoonteedii iyo waayo aragnimadeedii lahaayeen, sidaana ay ku kasbadeen kalsoonidii. Horeyso iyo dambeysaba kaalinta madaxdhaqmeed haybad iyo karaamo kula lahaa waxay ahayd nabadaynta bulshooyinka degel wadaag ah markay xurkufo iyo xasilooni darro ka dhex aloosanto. Daawaantay iyo deminta colaaduna waxay ahayd ta ugu muhiimsan. Sida darteed ayaa waxa lama huraan ah in madaxdhqmeedka sebenku ku ekaado kaalintaa soo jireenka ah ee ay ummada ugu igmanaayeen.
Iyada oo dalkuba sidiisa ula liito jahawareer siyaasadeed oo la garan la’yahay xukuumaddii dalka taladiisa haysey meel ay ka socoto iyo meel ay ku jiheysantahay toona, ayaan waxaan marnaba haboonayn in ay qaar ka mid ah madaxdhaqmeedka Beesha Subeer Awal ay ku dhex milanto qaabka iyo farsmada dib u dhiska iyo Saami Qeybsiga Wershedda Sibidhka ee magaalada Berbera sababtuna waxay tahay arrintu way ka baxsantahay xeyndaabka cimaamadda madaxdhaqmeed ka taliyo. Inaga oo ogsoon in dalku u baahanyahay wershedeyn iyo horumar kaleba ayaa isla markaana wax habboon in jidka wax ku qabsoomayaan aan indhaha laga lalin. Marka wershed sibidh la hirgelinayo waxa ka horeysa in si cilmiyeysan looga baaran dego dhib iyo dheef masruuca noocan ah wixii ka iman kara. Cidda daraasadda samayneysaan waa in ay noqdaan dad aqoonteedii leh oo lagu kalsoonaan karo. Ka dibna waxay ummaddu iska kaashan kartaa maal gelinta wershedda iyadoo gancsatada iyo bulshadu gudo iyo debedba ka qeygeleysa. Shakhsi iyo kooxi toona xaq gaar ah uma laha in ay ku kaliyeysato maalgashiga dalka e ha la ogaado in loo simanyahay.
Sidaa marka  ay tahay ayaan haba yaratee kaalini uga bannaanayn kooxda madaxdhaqmeedka Beesha Subeer Awal e leh waxaanu go’aan ku gaadhnay in laba wershedood oo sibidh Berbera laga dhiso. Kooxdan warbaahinta hadba wax ka soo tebineysaa ha ogsoonaato in ay qori dab leh ku qabteen ummaddii ay madax dhaqmeedka u ahaayeen, oo waa taa markhaati madoon laba goosan u kala dhaqaaqday. Arrintaasi waxay qumaati u dureysaa caqliga fayow oo inna tusaya in awood dhaqaale wixii la helyo meel la isugu geeyo si ay u fududaato kicinta wersheddan laba iyo labaatanka sannadood fadhidey. Waxa la gudboon madaxdhaqmeedka dalka gebebi ahaantoodba in ay ka waantoobaan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha maa daama aynu ka soo gudubney xiligii ay xukuumad iyo madaxdhaqmeed talada dalka ku hirdami lahaayeen.
Ugu dambeyntii waxanu leenahay inta arrintan si toos ah fara ugu la jirta iyo inta daaha dabadiisa ka riixaysaba: Hayaanku marbuu ahaa; mar labaad si fudud gibilka saarimayse, yaan meesha lagu karaamo seegin. Madaxdhaqmeedoow shaqadaadii ku ekow  oo halka baylahda dhabti ihi ka jirto ka hawl gala.
Magacaya dadka fikradan soo jeediyey:
  1. Ahmed Ali Ibrahim
  2. Hassan Osman Abdi
  3. Adam Mohamed
  4. Omar Mohamed
  5. Abdirashid Hassan Ahmed
  6. AbdiHakim Mohamed Abdillahi
  7. Mousa Nour Duale
  8. Ahmed H. Mohomed
  9. Ahmed Ismail Meygag
  10. Abdirezaq Hassan Adam
  11. Abdi Ibrahim
  12. Awil Adam Mohamed
  13. Abdirasheed Ali Hassan
  14. Ahmed Ali Hassan
  15. Omar Hassan mohamoud
  16. Yassein Abdillahi Elmi
  17. Abdi Mohamed
  18. Saeed Adan Mousa
  19. Ibrahim Ali Osman
  20. Dr. Kendiid Ali Hassan
  21. Mohamed Osman Ali
  22. Eng.Mohamed Abdillahi Nur
  23. Hassan hussein Migane
  24. Ali Abdi Jama (Ali Jackson)
  25. Mukhtar Abdillahi Nur
  26. Kendiid Ali Amman
  27. Hussein Liban
  28. Ibrahim Hassan Warsame
  29. Muse Jama ( Muse Casood)
  30. Mohamed Yusuf Ali
  31. Ahmed Abdillahi (Gadhle)
  32. Mustafe Hussein
  33. Abdi Fatah Ahmed Mohamed
  34. Farhan Abdilahi Elabe
  35. Cabi M. Mohamud Omar Hashi
  36. Abdirahman Yusuf (Anis)
  37. Mohamed Ibrahim Qalinleh (Ciro Side)
  38. Mohamud Khayre
  39. Mohamed jama nuur
  40. Cali Cabade
  41. Ibrahim Mead
  42. Abshir Nur Omar
  43. Abdiqadir Muhumed Mah
  44. Abdi Ismail (Dhamac)
  45. Abdi Kayd Sahardid
  46. Abokor Ibrahim Mohamed
  47. Ahmed Mohamed Suleiman
  48. Ahmed Nasir Mohamed
  49. Ahmed Yassin Mohamed
  50. Eric Raymond
  51. Hassan Guleed
  52. Ismail Hersi
  53. Osman Hashi Awad
  54. Hassan Adami(Cadami
  55. Awale Abdirahman Mohamed
  56. Abdirahman Batun
  57. Ahmed Abdi Guleed
  58. Yousuf Ahmed Absiye
  59. Yousuf Jabouti
  60. Dahir Mohamed Rageh
  61. Mohamed Osman Ahmed
  62. Ismail Yamakama
  63. Mursal Odowa
  64. Hussein Garage
  65. Mohamed Ahmed H. Elmi
  66. Abdirahman Kuwaiti
  67. Mohamed Ali Hersi(Deeq)
  68. Mohamed Osman Hashi
  69. Mohamed Ali Egeh
  70. Warsame Ali Egeh
  71. Abdirahman Yousuf Osman
  72. Ali Yousuf Osman
  73. Ali Hassan Awale
  74. Nasir Hassan Awale
  75. Jamal Abdirisak (Jayna’ade
  76. Abdirizak H. Ibrahim Jayna’ade
  77. Mohamed Ibrahim Gamoute
  78. Anwar Omar Kujoog
  79. Jama Awl
  80. Mohamed Ali Kostin
  81. Ali Ibrahim
Wa taciyaha udun waaci

This post has been viewed 614 times.

Categories: Editorial
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright