Qoraal Amar Ah Oo Si Tallan-taali Ah Uga Soo Baxay Madaxtooyooyinka Jibouti Iyo Somaliland Ayaa Amar Lagu Siiyey Shariikadda TELESOM Inay Xidhaan Shabakado Ay Halbeegnews Ka Mid Tahay

Posted by on Aug 7th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)– Sida masuul sare oo ka tirsan shariikadda Telesom u xaqiijiyey Halbeegnews waxaa bilahii ugu danbeeyeyba isa soo taraayey cadaadis laxaadleh oo dawladdaha ka taliya Jibouti iyo Somaliland ay ku hayeen shariikadaha ka hawl-galla Somaliland sida shariikadda ugu weyn ee  Telesom.

Sida uu masuulkaasi Halbeegnews u xaqiijiyey qoraal wareegto ah oo ay ku saxeexanyahiin Madaxweynayaasha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa loo diray shariikadda Telesom dorraad taasi oo amar lagu siiyey inay gebi ahaanba xanibto oo ay ka joojiso dadweynaha u macaamiisha ah inay akhristaan shabakadaha Halbeegnews, Sunatimes, Waagacusub, Qurbejoog iyo Indian Ocean Times, taasi oo ka hor imanaysa xeerarka caalamiga ah ee dimuqraadiyadda iyo xorriyatul qawlka caalamiga ah.

Waxaa loogu henjabay Shariikadda Telesom in ay Jibouti joojin doonto khadka isgaadhsiinta oo ay ka soo qaadato dhinaca Jibouti haddii ay amarkaasi fulin waayaan.

Dhinaca kalana Shariikadda isgaadhsiinta dalka Jibouti oo ah mid ay dawladda Jibouti gacanta ku hayso ayaa xayirtay isla markaana ka joojisay shabakaddaha Halbeegnews ka mid yahiin in gebi ahaanba laga akhristo dalka Jibouti.

Dhinaca kale maamulka sare ee Halbeegnews ayaa go’aan ay qaateen ku gaadhay inay sii wadayaan dedaalka ay ugu jiran in aan xorriyatul qawlka iyo xorriyadda saxaafaddu aanay noqon mid la cunaqabtayn karo, waxaanu qoraal u gudbinay Amnesty International, CPJ iyo safaaraddaha Britain, France iyo Maraykanku ku leeyahiin dalka Jibouti kuwaasi oo aanu ku iftiiminay sida ay labada dawladood cadaw ugu yahiin saxaafadda iyo xorriyadda warbaahinta.

Shariikadda Somtel oo mulkiyadiisa uu leeyahay ganacsade ay isku dhawyahiin xukuumadda Somaliland Maxamed Siciid Dahabshiil ayaa isagu hore u qaatay inay ka xayiraan macaamiishooda shabakado Halbeegnews ka mid tahay

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 874 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright