Yuusuf Garaad Oo Ku Dhawaaqay Inuu U Taaganyahay Tartanka Madaxtinimada Soomaaliya Iskana Casilay Madaxii Laanta Afka Soomaaliga B.B.C-da

Posted by on Aug 7th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

London (Halbeegnews)– Madaxii laanta afka soomaaliga ee idaacadda B.B.C-da Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo xilkaasi soo hayey muddo ku siman 20 sannadood ayaa sida uu boggiisa Facebook iyo Twitter ku shaaciyey xallaytoole wuxuu shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkaasi, isagoo dhinaca kalana sheegay inuu ku laaban doono dalkiisii hooyo ee Soomaaliya si ayuu yidhi uu uga qayb qaato xasilinta iyo nabad soo celinta Soomaaliya, farriinta uu ku faafiyey labada bog ee uu ku leeyahay Twitterka iyo Facebook wuxuu ku yidhi “20 sano ka dib, waxaan maanta [shalay] ka ruqseystay BBC World Service oon u ahaa Madaxa Laanta Soomaaliga ee BBC.”, waxaanu intaas raaciyay “Waxaan tegeyaa dalkeyga hooyo si aan uga qeyb qaato xasilintiisa iyo dib u dhiskiisa. Allow noo sahal.”

Dhinaca kalana xubno ka hawl-galla laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda B.B.C-da oo ka gaabsaday in magacooda la xuso ayaa xaqiijiyey in Yuusuf Garaad  Cumar uu todobaadkani kaga dhawaaqi doono gudaha magaalada Muqdisho inuu u taaganyahay tartanka madaxtinimada dalka Soomaaliya isagoo ay is bahaysan doonaan xubno uu ka mid yahay ninka ay muddada dheer isku jaalka ahaayeen ee Axmed Ismaaciil Samatar.

Yuusuf Garaad ayaa wuxuu ka soo jeeda beelaha ugu waaweyn ee dalka Soomaaliya Hawiye, Habar Gadir, Cayr wuxuuna heli kara taageero balaadhan isagoo ka mid ah dadka ugu caansan dalka Soomaaliya

Halbeegnews, London

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 552 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright