Oog (Halbeegnews)–Wefti uu hogaaminayo Xaglo toosiye oo wata 10 baabuur isla markaana ka kooban lixdan xubnood ayaa goor dhaweyd oo Habeenimo ah soo gaadhay magaaladda Oog.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale oo ka mid ah Wasiiradda loo xilsaaray soo dhaweynta iyo wadahadalada kooxdaasi ayaa Waaheen u sheegay inay weftigaasi si nabad ah u soo gaadheen Oog imikana ay Casho wada leeyihiin.
Wasiir Samaale waxa uu sheegay inay isla Caawaba u soo baxayaan dhinaca Burco halkaas oo ay weftigu ku nasan doonaan, isagoo intaas raaciyay berry inay labada dhinac wadahadal toos ah ku yeelan doonaan Burco wixii ka danbeeyana ay Hargeysa u soo kicitimi doonaan.
Soo dhaweynta weftiga ayaa qaadatay hawl aad u culus oo tan iyo saaka qaadatay, waxaana caawa si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Oog, halkaas oo loogu sii diyaariyay Casho.
Imaatinka Xagla Toosiye ayay Xukuumadda Somaliland u aragtaa wakhtigan Guul maadaama oo loo baahan yahay in wadahadal la galo si loo soo af-jaro Colaada iyo khilaafka ka dhex aloosnaa Somaliland iyo Beelaha Gobolka Sool iyo Sanaag Barri.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa doraad Wasiiru Dawle u magacaabay mid ka mid ah hogaamiyeyaasha kooxaha Buuhoodle iyo Laascaanood, kaasoo dhawaan si la mid ah sida Xagla toosiye loo soo Xero galiyay.
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 695 times.






