Hargeysa (Halbeegnews)– Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waa haldoor ku caan noqday hufnaan iyo hami siyaasadeed oo uu doonaayo inuu Somaliland ugu horseedo humaag ay kaga baxdo nidaamkani Siilaanyo ee qaranimadii iyo jiritaankii Somaliland seef laba afle ku kala gooyey.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose wuxuu soo nooleeyey rajadii iyo riyadii milgahii siyaasadda iyo nidaamkii la xisaabtanka xukuumaddani fadhiidka noqotay ee kala garan wayday dastuurka Somaliland iyo ka dawladda federaalka ee Soomaaliya, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose wuxuu gidaar u noqday malaayiin qof oo reer Somaliland ah oo xukuumadda Siilaanyo iyo afarta kaba tole ee gadh-hayeenka u noqday ay la degeen.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose wuxuu soo nooleeyey rajadi iyo riyadii saqiirtay ee siyaasadii Somaliland ku caano maashay ee ku dhisnayd mucaaridad ku dhisan caqli iyo run sheegis taabanaysa halka kolba boogtu ay bolbolayso, Dr. Gaboose waa hadal yaqaan alle haybad iyo hibo u siiyey inuu siiqdiisa iyo odhaahdiisa taabsiiyo xaqaa’iqa iyo xiisaha ay shacabku u qabaan nabarka hafeefanaya ee ay xukuumadda Siilaanyo ee ka kooban afar kaboodlayaasha toshay kiishashka ay ku guranayaan hantidii qarranku.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose shirkii jaraa’id ee ugu danbeeyey ee uu shacabka kula hadlay wuxuu ka dhawaajiyey ma-hadhooyin iyo saaqidnimo siyaasadeed oo Xukuumadda Siilaanyo iyo afarta bajaaj ee ay ka koobantahay ay hantidii hooyada reer Hargeysa, Burco iyo Berbera looga qaaday cashuur ee ay ahayd in lagu dhiso haykalkii dawladnimo iyo qaranimo.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose wuxuu siidhiga ku afuufay khiyaano iyo xatooyo badheedh ah oo Siilaanyo iyo dirkiisa qarranku ka acuudubilaysanaya ay doonayaan inay u maleegaan qaranimada iyo jiritaanka Somaliland isagoo Siilaanyo durtaba cidiyaha u sifaystay inuu maalmo xaaran ah xilka qarranka ku sii negaado.
Weedha waxagaradnimo ee Mujaahid Gaboose waxay oohin iyo ciilkaanbi badday dhurwaayo ma-dhargayaal ah oo habeen iyo maalin u taagan inay hagal daaciyaan sharafta iyo karaamadda qarranka Somaliland isla markaana dastuurkii iyo sharcigii dalka ka dhigay mid aan qaban Siilaanyo iyo wasiiradiisa xaaran quutayaasha ah.
Dr. Gaboose wuxuu wadno xanuun iyo firo-ka nax ku noqday kuwa caadaystay inay hantidii ummadda boobaan, sharcigii iyo dastuurkii qarrankana ka dhigay igama qudhunto igama qalafto.
Ugu Danbayntii Hawraartu waxay leedahay Gaboose waa Geesi mudan garawshiyo wuxuuna fallaadh aan gilgilasho lahayn ku gannay xukuumad ka kooban waxma-garato, saaqid iyo booli cunayaal.
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 909 times.







