Hargeysa (Halbeegnews)–Wasiirka Wasarada rrimaha Dibada ee Somaliland Dr.Maxmed C/laahi Cumar ayaa sheegay in Dawlada Denmerk ay Somaliland u soo Magacawday Wakiil dawladaasi u fadhiyidoona Somaliland oo la yidhado Mr. Soren Skou Rasmussen.
Sidaasi wax uu wasiirku ku sheegay Kadib kulan dheer oo uu la qaatay Wakiilkasi, iyaga oo ka wadda hadlay arrimo badan oo ku saabsan sidii Furitaanka Xafiiska Wakiilka Dawlada Denmark..
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr. Maxmed C/laahi Cumar ayaa warbaahinta Faahfahin ka siiyey waxyaabihii ay ka wadda hadleen waxanu yidhi “Maanta Dalka wax Yimid Wakiilka Dawlada Denmerk u Fadhiyidoona Somaliland Mr. Soren Skou Rasmussen oo si rasmi ah dalka u yimid, si uu hawlihiisi uu halkan wakiilka uga noqonayo dawladda Denmerka uu u bilaabo, Arrintaasi waxay ka danbeysay wadda hadal dhexe maray Dawlada Denmerk iyo Dawlada Somaliland, laguna heshiiyey ama ay iyadu goáansatay in ay wakiil halkan ku yeelato, Hawlaha ugu waaweyn ee wakiilkaasi uu halkan ka qaban doono wax ugu badan in uu kobciyo iskaashiga labada dal Denmark iyo Somaliland, oo Khaasatan u badan dhinca Horumarkaiyo Iskaashiga iyo Arrimo dhinca Nabadgelyada la xidhiidha, Runtii sharaf weyn ayey inoo tahay in Maanta halkan dawladii ugu horeysay ee Reer Yurub ay halkan xafiis rasmi ah oo wakiil ka noqonaya Danahooda iyo Iskaashiga ka dhexeya dalkeena iyo Dalkooda, uu halkan maanta uu ka furmo sharaf weyn ayey Xukuumada iyo Shacabka reer Somaliland u tahay.”Ayuu yidhi Wasiirku.
Waaheen
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 605 times.






