Hargeysa (Halbeegnews)–Maxamadda gobolka Hargeysa ayaa maanta oodda ka qaaday xorriyadiisiina usoo celisay xisaabiyahii telefishanka qarranka Somaliland Xasan Maxamuud Maxamed oo shan maalmood xaq darro ugu xidhna hanti-dhawraha guud ee qarranka ka dib markii lagu eedeeyey inuu musuq maasuq ku kacay.
Hanti-dhawrka guud oo markii hore qabsaday inay maalinta sabtida ah ku hor keenayaan maxkamadda gobolka Hargeysa caddaymo la xidhiidha eedaha loo haysto Xasan ayaa taasi ku fashilmeen, waxaana sida Maxkamadda gobolka Hargeysa shaacisay maanta ay markale galabnimadii sabtidii dalbadeen inay axadda oo maanta ku beegnayd ay hor keenayaan caddayntaasi balse nasiib darro maantana way ku fashilmeen inay keenaan.
Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa xorriyadiisii usoo celisay Xasan Maxamuud Maxamed oo xilka xisaabiyaha telefishanka qarranka hayey ilaa iyo xukuumadda Madaxweyne Rayaale.
hanti-dhawrka ayaa lagu eedeeyey inay ku fashilmeen gebi ahaanba hawshii ay qarranka u hayeen iyagoo noqday caag meel iska yaalla oo aan waxba ku filayn isla markaana bartilmaameedsada dadka birmo-gaydada ah ee u shaqeeya dawladda ee aan lahayn awoodda halka aanay waxba ka soo qaadin musuq maasuqa xadka iyo xeerkaba ka baxay ee masuuliyiintii xukuumadda ugu saraysay iyo qoyskii madaxtooyadu ay habeen iyo maalin boobayaan, eedaha musuq maasuqa ayaa waxaa ugu danbeeyey lacago malaayiin dollar ah oo marwadda Madaxweyne Siilaanyo Aamina Weris iyo sodogii Baashe Faarax la sheegay inay ka tahriibiyeen dalka markii labaad.
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 493 times.






