Caynaba (Halbeegnews)–Waxaa maalmihii u danbeeyey magaalada caynaba ee xarunta gobolka saraar ka qulqulayay ardaydii ka baxay dugsiyada sare ee dalka gaar ahaan magaalada caynaba kuwaasi oo shaqo la’aan uga huleelay magaalada isla markaana qaarkood laga reebay ardaydii deeqaha waxbarasho ee dibada ay u daanbulaysay wasaarada waxbarashada oo iyadu ku koobtay oo keliya gobolada galbeedka dalka waxaana ay arintaasi cadho iyo niyad jab weyn ku riday ardayda sifaha qabyaaladaysan ay wasaarada waxbarashadu uga reebtay kuwaasi oo go’aansaday inay ka huleelaan guud ahaanba dalka
Wasiirka wasaarada ciyaaraha,dhaqanka iyo dhalinyarada somaliland cali siciid raygal ayaa ay ku tilmaameen inuu indhaha ka qarsanayo arimahani maadaama uu ka soo jeedo magaalada caynaba ayna xukuumada madaxweyne siilaanyo ka gaabisay sidii ay ardayda dugsiyada sare ka baxaya ay shaqo abuur ugu samayn lahayd waxaana ay ku tilmaameen inay xukuumada iyo wasaaradaheeda kala duwan ka bilaabmeen kala jeclaysiga iyo qabyaaladaynta ardayda derejooyinkooda iyo aqoontooda ku dedaalay
Maaha markii ugu horaysay ee arday shaqo la’aan uga baxay gobolada dalka gaar ahaana magaalada caynaba oo uu wasiirka ciyaaraha somaliland ka soo jeedo balse dhalinyaradan todobaadadii la soo dhaafay ka huleeley caynaba ayaa kor u dhaafaya in ka badan 30 qof kuwaasi oo qaarkood la laayay,qaar ay ka buuxaan xabsiyada wadamada sudan iyo libiya halka qaarkood si silic ah ay uga gudbeen badaha wadamada talyaaniga iyo liibiya
Ugu danbayntii waxaa hada xidhxidhan dufcadii labaad oo ka badan intaasi oo maalmaha fooda inagu soo haya ka anbabixi doona gudaha magaalada caynaba iyadoona aanu ilaa iyo hada waxba arimahaasi kala socon wasiirka wasaarada ciyaaraha,dhaqanka iyo dhalinyarada kaasi oo ku mashquulsan iska dhaadhicinta xirsi iyo madaxweyne siilaanyo si aan xilka looga qaadin waxayna arintani ku soo beegmaysaa xili socdaalkii ugu danbeeyey ee uu ku yimaado magaalada caynaba uu kala kulmay in qaar ka mid ah shacabkaasi kaba ku soo dhoweeyaan sidii horeba ugula kulantay madaxweyne siilaanyo magaalada gabile
Halbeegnews, Caynaba
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 433 times.






