Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Oo Noqotay Waraabihii Cirka Looga Yeedhay Kuna Hungowday Isbedelkeedii Buuga Cagaaran Ee Ay Shacabka Ku Sixirtay.

Posted by on Aug 5th, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

By.Mujaahid Nuur Mohammud Ducaale(Cadaan)

Tan iyo intii xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne siilaanyo talada dalka qabsatay waxaa guud ahaan gobolka saraar gaar ahaan caasimadiisa caynaba waxaa ay  noqotay mid dib ugu laabata xukuumadii jaalle siyaad waxaana sababay msusq baahsan,cabudhin iyo cagajuglayn kaliftayna inaan shacabku afkaartooda dhiiban isuna bedeshay (afka xidho warkana ood ishana ka eeg wacyiga socda)

 Ugu horaynmusuqa baahsan ee xadhkaha goostay ee dul heehaabaya caynaba isla markaana hoyga u noqday hamiga ay masuuliyinta deegaankani ku urursanayaan hantida umada,ku takrifalka awooda qaranka ee xiliga kala guurka waxaana tan keenay xiligii kala guurka golayaasha deegaanka oo fooda inagu soo haya.

 Hadaba caynaba waxaa ka bilaabmay in la iibsado dhulkii hantida guud iyo kii shacabkaba sidii taliyii geyigan caanka ka ahaa ee dowladii siyaad barre loona yaqanay (kabtan Faalse) ka dib dhacdadii ugu danbaysay ee ka dhacday caynaba oo ay shacabku ka dhiidhiyeen una adkaysan kari waayeen hurgumada iyo hagardaamada ay wadaan masuuliyiina caynaba taasi oo ay gaar ahaan masuul ka ahaayeen guruubka ku midoobay cabista dhiiga dadka ee dowlada hoose iyo taliyaha qaybta booliska gobolka saraar jaamac guudcade oo noqday nin loo adeegsado xidhista iyo dilista shacabka waana rujuumka ugu dada weyn deegaamda Somaliland isla markaana ay ka tageen xukuumadihii dalka u kala danbeeyey tana ay waxba ka qaban wayday ka dib markii ay raacday dhabaha xukuumadihii talada dalka u kala danbeeyey kuwaasi oo aan isbedel aragba ilaa 1994.

 Rujuumka siyaasada qaawan ku tukubaya ee ku shuraakoobay caynaba markii ay dhulkii buuraha iyo kii danta guudba dhamaysteen waxaa ay u soo dhigteen sidii ay shacabka isaga horkeeni lahaayeen iyagoo ka dhex abuuray qabyaalad iyo qoloqolo sidii xinifta kursi jaclaysigooda u ilaashan lahaayeenx

 Xukuumada madaxweyne siilaanyo oo aanu ka sugaynay inay dhacdooyinkan murugada xanbaarsan wax ka qabata iyana waxaa ay noqotay mid iyana buugeedii cagaarnaa ku sixirtay shacabka Somaliland caynabana maahaan u malaynayaaye waa nalala qabaa.

 Saldhiga caynaba waa mid burbur baahsan ka muuqdo malaha talis qaybeed,malaha gaadiid waxaa ay masuuliyiinta boolisku noqdeen kuwo cadaalada shilimo siista sidoo kalena dowlada hoose uu taliyaha qaybtu ka iibsado waxaana la yaab nagu noqotay in taliyaha qaybta booliska gobolka saraar ka amar qaato maayarka degmada

 Masuuliyiinta xilalka ka haya caynaba waxaa ay noqdeen kuwo siesta filooyin waaweyn,beero,berkado iyo gaadiid laga helay kalaboobka hantida umada xiliga kala guurka taasina bedelkeeda shaqaalihii dawlada hoose waxaa ay noqotay in markii ay mushaharkoodii siin wayeen maxkamada la galaan halka xisaabiyii dowlada hoose la eryay taasi oo ahayd faadumo salad huruuse oo lagu eryay walaalkaa ayaa dawlada hoose ku mudaharaaday,layla caydiid bootaan oo ahayd kaambaynaradii kulmiye ee gobolka saraar shaqadii waa laga eryay

 Ugu danbayntii xukuumada madaxweyne siilaanyo waxaan ugu baaqaynaa inay ka dhabayso madmadowgana ka saarto buugeedii cagaarnaa ee ay dadka ku sixirtay sidoo kalena dhacdadii ugu danbaysay ee 25kii bishan ka dhacday taasi oo kacdoon ay shacabku ku gadoodeen xaalkeedu ku danbeeyey(GEELOOW WAX WALBA CUNTAYE MARKAAD CIIN DAAQDAA LAGUU YAABAA)

 Hayada la dagaalanka musuqmaasuqa,hantidhawraha guud,wasiirka arimaha gudaha,taliyaha ciidanka booliska, iyo madaxweynaha qaranka Somaliland waxaan ka codsanaynaa inay qaylo dhaanta shacabka ka soo yeedhaysa dhegaha u furan taasoo aan ka dhicin 21kii sano kabtan faalsena aragnayoo waxaan leenahay (CUN,CUN,CUN CUNI KARI WAA AYAA KU XIGTA)

 Mujaahid. Nuur Mohammuud Ducaale (CADAAN)

4341461 Caynaba Somaliland

 


This post has been viewed 416 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright