Marwada Madaxweyne Siilaanyo Aamina Weris Oo Muddo Seddex Usbuuc Gudaheed Ah Isku Dhaaf-dhaaftay Hargeysa Iyo London Muxuu Daarna Socdaalka Aan Joogsiga Lahayn

Posted by on Aug 5th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

London (Halbeegnews)– Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Maxamuud Jirde Aamina Weris ayaa muddo ka yar seddex usbuuc gudahiis waxay safar aan joogsi lahayn iskaga gooshtay magaalooyinka Hargeysa iyo London.

muddo hadda laba usbuuc iyo badh laga joogo ayaa Marwo Aamina Weris oo uu wehelinaayey wiil ay sodoh u tahay oo la yidhaahdo Baashe Maxamuud isla markaana ku magac dheer Moorgan waxay safar kaga wada ambabaxeen gegida diyaaradaha ee magaalada Berbera iyadoo sida wergeyska Indian Ocean ee dalka faransiisku qoray gudaha madaarka Jommo Kenyata ee magaalada Nairobi ay ciidamadda socdaalka dalka Kenya ku qabteen Baashe Maxamuud (Moorgan) oo la sheegay inay ciidamadda socdaalka Madaarka jomo Kenyata ku qabteen lacag dhan 1.7 malyuun oo dollarka maraykanka ah oo ku jiray shandad nooca gacanta lagu qaato ee loo yaqaano (Hand Bags).

Ciidamadda ammaanka ee dalka Kenya ayaa wakhtigaasi Baashe (moorgan) dib ugu soo celiyey magaalada Berbera iyagoo dib usoo saaray diyaaradda, waxaana la sheegay in Marwo Aamina Weris oo iyadu safarkaasi ku wehelinaysay ay si degdeg ah ugu soo dhaaftay magaalada London balse markii ay London ku sugnaday muddo usbuuc ah ayey haddana dib ugu soo laabatay magaalada Hargeysa.

Warar xogogaal ah oo Halbeegnews hellayso ayaa xaqiijinaya in Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Weris iyo Baashe Maxamuud Faarax ay dorraad soo gaadheen magaalada London iyagoo markani soo maray dhinaca iyo dalka Jibouti kana soo raacay diyaaradda Air France oo toos usoo fadhiisatay magaalada London, lama garan karo wakhtigani inay si fudud lacagtii hore loogu qabtay ee qadarkeedu dhana 1.7 malyuun ee dollar ay u suurtagashay inay soo geliyaan dalka ingiriiska, iyadoo warar aanu hellayna tibaaxayaan inay lacagtaasi ku shubeen bangiyadda dalka ingiriiska ee ku yaalla isla gudaha madaarka Heathrow Airport ee ay isticmaalaan dadka soo dega.

Arrintani ayaa waxay tusaale u tahay heerka musuq-maasuqa iyo xatooyadda hantida qarranku ay marayso ee qoyskii Madaxweynahii qarranka loo doortay ay si badheedh ah uga soo daabulayaan lacagtii adkayd ee cashuurta looga qaadaayey danyarta reer Somaliland.

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 1134 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright