Berbera (Halbeegnews)–Gudiga Fulinta xisbiga talada haya ee Kulmiye ee gobolka Saaxil ayaa maanta soo saarey Baaq ay kaga hadlayaan hogaaminta xafiiska gobolka ee xisbiga,iyagoo sheegay in madaxdii ugu sareysay ee xafiiska ay xiligan ka mid yihiin masuuliyiinta xilalka shaqo u haya xukumada,isla markaana aaney awoodin iney hawlihii xisbiga ay u hayeen u gkaran si caadiya.waxaa kaloo ay gidigu sheegen in loo baahan yahay in boosaskoodii loo magacaabo cid ka mida gudiga fulinta ee heer gobol,madama ay fooda inagu soo hayso Doorashadii Golayasha deegaanka ,loona baahan yahay dardargelinta hawlaha xisbiga ee gobolka.
Gudiga oo nuqulo ka mida bayaan-wargelineedkooda u qaybiyey saxaafada ka hawlgasha gobolka kaso u dhigna sidan.
“Haddii aanu nahay gudiga fulinta xisbiga kulmiye ee gobolka saaxil, markii aanu aragney baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha xisbiga ee gobolka,isla markana isku qanciney in masuuliyiintii xafiiska ee xisbiga haatan ka mid yihiin hawlwadeenada xilalka shaqo ee xukumada,gaar ahaan Gudoomiyihii Gobolka Cismaan Cabdi Barkhadle “Shiine” Maareyaha Haamaha Shidaal iyo Xoghayihii Xisbiga Cali Maxamed Cilmi Xoghayaha dawlada Hoose degmada Berbera.
Markaanu eegney baahida taagan ee hawlihii xafiiska ee ku waajahan hawlagalada doorashada fooda inagu soo haysa,oo u baahan sidii caadada u ahayd xafiiskan xisbiga ee gobolka in laga diyaargarowbo,korna loo qaado shirarkii gudiga iyo xidhiidhkii dhinaca wada socodka.
Markaanu aragney siday gudigii xafiiska isugu duban tahay,isla markaana ay diyaar tahay gudashada hawlihii xisbiga ee gudigu ka hayey dhinaca gobolka Saaxil.
Markanu ka fikirey halista iyo faragelin kaga iman karta gudiga iyo xafiiskii gobolka ee xisbiga hogaamin la’aanta jirta,madamada masuuliyiintii hore hawlaha qaranka ay kaalin kale kaga aadan yihiin.
Waxaa Gudigu ugu Baaqayaan kuna wargelinaya in shir deg-deg ah isugu yimaadan dhamaan xubinihii fulinta oo ay ka mid yihiin labada masuul ee ugu sareyey,isla markana aan wareejin xilalkii,hawlaha shaqada ee ay hada ku sugan yihiina u saami karin iney hogaamintii xafiiska sii wadaan,shirkaas oo gudiga fulinta ee heer gobol ay sida uu dhigayo sharciga xisbiga,laga wada tashado sidii gudigu u doora lahaa hogaankii sare ee gudiga “Guddoomiye iyo Xoghaye”.
Gudigu waxaa bayaankiisan wargelinta u sheegaya maamulka gobolka oo ah midaan arag meesha uu ku yaalo xafiiska xisbiga,inaanu ku sameyn fara-gelin sababta inuu gacanta maamulka gobolka ku burburo xisbigu,iyadoo ay muuqato in maamulka gobolku wado talaabo ku dhisan nin jeclaysi iyo faragelin hawlaha xisbiga ee gobolka Saaxil ah.
Waxaanu mar labaad la socod siineyna in sharciga xisbiga uu awood u siinayo gudiga iney doortaan,buuxiyaana kolba jagada ka banaanaata dhexdiisa,oo aaney cid kale u gacan dhaafi karin,maaha xisbiga kulmiye urur hada la aasaasayo,waxaa uu leeyahay shuruuc kala xadeyneysa hab-dhaqanka shaqada xisbiga.waxaana xaaran ah in maamulka ka dhexeya umadda iyo xisbiyada uu gacan la galo,isagoo aan ka ahayn xubin la ogyahay.waxaana aanu mar kale ugu celineyna inuu maamulka gobolka ka digtoonaado faragelinta hawlaha gudiga iyo xafiiska.
Liiska Xubnaha Gudiga Fulinta heer gobol ee soo saarey Qoraalka bayaan wargelineedka ah.Xisbiga KULMIYE.
01.Deeq Maxamuud Maxamed–
02.Caasha Xuseen Farax —
03.Yusuf Maxamud Maxamed-
04,Siciid Axmed Geel
05.Adan Xuseen Yusu
06.Asma Cumar Nuur
07.C/rashid Muse Abyan — Xubin Gudiga joogtada.
08.Axmed Maxamed Qaalib
Xarunta Maamulka Xisbiga Kulmiye
Gobolka Saaxil –Berbera.
Wabillaahi Towqiif”
Halbeegnews, Berbera
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 207 times.






