Wasiirka Cadaaladda iyo Taliyaha Ciidamadda Asluubta oo Ku Guuldaraystay Xal u helidda Maxabiis Laga iibsaday Jeelka Mandheera.

Posted by on Aug 5th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Berbera (Halbeegnews)–Wasiirka  Cadaaladda iyo Taliyaha Ciidamadda Asluubta Somaliland  ayaa u caaliwayay  siddii ay u Maarayn Lahaayeen Maxaabiis Tiro ahaan Gaadhaya  4 Afar  Maxbuus oo uu Iibsaday Taliyaha Jeelka weyne ee Mandheera Muse Abokor Qoorsheel  iyo Hogaanka Xafiiska Ciidanku  , maxabistani la sheegay inay Yihiin Xadhig dheerayaal.

 Arrintani ayaa sababtay in Xilkii Laga qaado Taliye Ku xigeenkii Xabsiga Mandheera  Siciid Cawaale oo isagu Ka Mid ahaa Saraakiisha  Kasoo Hor-jeestay in Maxaabiistani La sii daayo Waxani Arrintani Noqonaysaa Markii Ugu Horaysay ee Maxaabiis  aan Cafis Madaxweyne Ku Bixin Isla Markaasna Xadhigoodu lahayn Iib laga sii dayay Xabsiyadda Somaliland .

Taliyaha Xabsiga Mandheera Muse Abokor Qorsheel iyo Taliyaha Ciidamadda Asluubta ayaa Ku Hawlan siddii ay Maxaabiista Lasii Dayay Markale Suuqyadda Magaalooyinka Burco iyo Hargaysa uga soo qabqaban lahaayeen maadama aanay Sharci Lagu sii dayn.

Mid ka mid ah Maxaabiista la iibsaday laganna Qaaday lacag dhan 1400 $ ayaa sidda la sheegayo wali Ku xidhan Xabsiga dhexe ee Magaaladda Mandheera iyaddoo la filayo in lasiidaayo maalmaha soo socda.

 Somaliland ayaa Dhawaan Saxeexday Heshiiska Iswaydaarsiga Maxaabiista kuwaasi oo ay  Xabsiyadda Dalka Ku Jiraan Maxaabiis Burcad Badeed ah kuwaasi oo haatan u hanqal taagaya inay iibsadaan Xadhiga Lagu Xukumay Maadaama Maxaabiis kale oo xadhig dheerayaal ahi iibsadeen Xadhigoodii.

Ahmed Ali qolqol

Freelance journalist

Ahmed_qolqol@hotmail.com


This post has been viewed 404 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright