Madaxweynaha Dawladda TFG-da Sheekh Shariif Oo Si Cadho Leh Uga Baxay Shirkii Saxeexayaasha Heshiiskii Road Map Uga Socday Nairobi Muqdisho-na Gaadhay

Posted by on Aug 5th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Muqdisho (Halbeegnews)–Kadib khilaafaad soo dhex galay madaxda Soomaalida oo maalintii labaad uu Nairobi uga socday shirkii saxiixayaasha Roadmapka, maalin kadib markii ay la kulmeen Hillary Clinton ayaa madaxweynaha Soomaaliya uu ka baxay shirka.

Madaxweynaha ayaa u duulay magaalada Muqdisho, kadib markii ay fashilmeen dadaalo lagu soo celinayo oo uu waday ergayga qarmada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustin Mahiga.

Waxaana warar hoose oo aan ka helnay shirka ay sheegayaan in khilaafku uu ka dhashay arrimaha gudiga soo xulitaanka baarlamaanka cusub iyo cida u matalaysa ururka Ahlu Sunna shirka saxiixayaasha Roadmapka.

Wararku waxay intaa ku darayaan in madaxweynuhu uu dalbaday in gudiga soo xulitaanka baarlamaanka la kala diro, halka arrintaas ay ka biyo diideen qaar kamid ah xubnaha kale ee saxiixayaasha Roadmapka.

Waxaana si caadi ah uga soconaya hotelka Panari ee magaalada Nairobi, kadib markii halkaas uu isaga baxay madaxweynaha shirkii ay lahaayeen madaxda Soomaalidu.

Saxiixayaasha kale ayaa ku adkaystay in shirku sidiisii uu sii socdo kadib markii uu halkaas isaga baxay madaxweynahu.

Waxaana arrintan ay ku soo beegantay maalin kadib markii uu buuq ku dhawaaday gacan ka hadal uu ku dhex maray goobtii ay Hillary Clinton kula kulmaysay madaxda Soomaalida, labo masuul oo kala matalaysay ururka Ahlu Sunna, isla markaana isku qabsaday kursigii loo qoondeeyay ururkaas.

Halbeegnews, Muqdisho

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 340 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright