London Stratford (Halbeegnews)– Orodyahanka Maxamed Faarax oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse u orda dalka boqortooyada ingiriiska oo uu ku koray ayaa caawa taariikh cusub dhigay ka dib markii uu ku guulaystay orodka 10,000 Meter.
Maxamed Faarax wuxuu kaga adkaaday orodkani ninkii hore u haystay orodkani Bekelle oo u dhashay dalka Ethiopia wuxuuna orday 27 daqiiqadood iyo 30 ilbidhiqsi, isagoo xawaare aan xad lahayn kaga goostay orodyahankii ugu dhawa oo ka soo jeeday dalka maraykanka ah.
Maxamed Faarax ayaa daqiiqadahii hore ee orodka wuxuu ku jiray kaalinta dhexe isagoo intaanu orodkani hore u bilaabmin u sheegay warbaahinta inuu saxayo khaladkii uu gallay kal hore markii Beijing lagu cayaaraayey oo uu tamartiisii wada isticmaalay.
Maxamed Faarax ayaa markii wareegii 25-naad ee orodka la gaadhay wuxuu bilaabay inuu sida faraska uga dhex boodo orodyahanadii kale iyadoo orodyahanadda kale ay la yaabeen fagaxda iyo tamarta Maxamed Faarax.
Markii uu guulaystay ayuu ilmeeyey, wuxuuna laba jeer dhigay dhulka sujuud isagoo ilaahay u mahad celiyey, gabadha yar ee uu dhallay iyo xaaskiisa Tanya ayaa ku soo orday.
Maxamed Faarax keliya kuma uu guulaysan billadda dahabka ah ee 10,000 ee Meter balse wuxuu dhigay taariikh aan hore loo arag, wuxuu noqday orodyahankii ugu horeeyey ee taariikhda Britain ku guulaysta ilaa xadkani 10,000 Meter, wuxuu sidoo kale dhulka dhigay oo ka adkaaday orodyahanadii qaaradda Afrika ee ethiopia iyo Kenya oo iyagu xuurto ku haystay orodkani.
Si aad u daawato markuu Maxamed Faarax guulaystay guji halkani
Halbeegnews, London
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 1262 times.







