Hargeysa (Halbeegnews)– Guddomiyaha Urur Siyaasadeedka Umadda Dr.Maxmaed Cabdi Gaboose ayaa Xukumada Siilanyo ku Tilmaamay mid aan Doonayn in dalka Somaliland ay ka dhacdo Doorashada Golaha Deeganka, Waxa kale oo uu ku tilmaamay mid ay ragaadiyeen Musuqmaasuq waxyaha kala duwan ee Xukumada Somaliland.
Dr.Maxmed Cabdi Gaboose waxa uu sidaasi ku sheegay Shirjara’id oo uu Goordhawayd ku qabtay Xaruntiisa Magalada Hargeysa.
Waxa kale oo uu Shirkiisaasi Jara’iid kaga hadlay Arrimo badan waxanu yidhi “Komishanka qaranku waa gudi farsamo oo darista xadiga dhaqaale ee ku baxaaya doorashada, cayimana wakhtiga ay suurto gal tahay dooorashadu, maamulana habsami u socodka hawlaha doorashada iyo inay garsoor ka noqdaan tartanka, waxase xilka iyo waajibaadka dastuuriga ah ka saran yahay madaxweynaha inuu sugo qabsoomida doorashooyinka dalka xiligii loo qorsheeyay keenona dhaqaalaha ku baxaya, dhamaystirana shuruucda doorashooyinka, diyaariyana nabadgalyo iyo xasilooni ah oo ay doorashooyinku ku dhici karaan.
Nidaamka doorashooyinka dimuquraadiyada ku salaysan waxa doortay bulshada reer Somaliland, una igmada madaxdooda inay taabo galiyaan. Masiirka intaa leegna may ahayn inuu noqdo mid ku suurto kara gacan shisheeye, deeq bixiye yaashu iyagoo ku mahad san caawimadooda, hadana waxay ahayn masuuliyada uu damirku ina farayo in sanadba sanadka ka danbeeya ay yaraato deeqdooda, doorashooyinka oo qabsoomi waaya waxay dhiiri galinayaan kursi jacayl keli talisnimo ay bulshada reer soomaaliland waayo arag utahay waxay dhaxal siisay.
Waxaan ogsoonahay inay dadaal dheer komishanku ugaleen suuro galiyaan inay doorashadu dhacdo dabayaaqada sanadkan, ay kala kulmeen carqalado farsamo iyo culays dhaqaale oo ka yimid tirada ururaada iyo asxaabta oo aad badan iyo isbadalka habka doorashada ee loo guuray liiska furan oo ah musharax waliba gaarkiisa haw tartamo.
Daraasad sugan kadib waxay ku mishanku ku qanceen inaanay suurto gal ahayn in boqolaal musharax astaamahooda laysugu keeno hal waraaq cod bixin oo kaliya, sifiicana loo arki Karin, sidaas awgeed waxay ku mishanku ku taliyeen sidoorashadu inoogu qabsoonto in astaanta musharaxa halkeeda lagu badalo nambar, taas oo ay labada gole ee sharci dajintu ku diideen iyagoo aan qadarin inay dhagaystaan komishankii farsamo ee hawshan qaabilsanaa.
Inkastoo aan ladafiri Karin cilada ku gadaaman labada qaab mid kasta hadana waxay ina horyaala doorasho iyo doorsho la’aan 2012.
Mudane madax wayne maaha in komishanka qaranku dhibane u noqdo oo uu ku dhexwareego xafiisyada nayroobi, madaxtooyada iyo goleyaasha qaranka iyadoo ayoo ay tahay adiga waajibaadkaagii qaran, dhiirigalinta dhamaan hawlaha suuro galinaya doorashadu inay waqtigeedii ku qabsoonto.
Mudane madaxwayne waxay bulshadu xog ogaal u tahay muhiimada gaarka ah ee aad siinaysid wada hadala soomaliya iyo sheikh shariif, balse waxaanu tuhun sanahay iskaba daa dadaale in aad doonayso inay doorashadu dib u dhacdo, si’aad maalmo sharcidaro ah mustaqbalka u sii joogto, waxaana markhaati ka noqon doona adigoo isticmaalaya awoodaada tastuuriga ah inaad wax ka badalku samayso diidmada labada gole oo ah inta qudha ee doorashadu u xaniban tahay, taasoo si degdeg ah lagaaga sugayo inaad u soo afjartid, si jadwalka doorashada ee komishanku qorsheeyeen u noqo mid midho dhala,
Waxaanad dhawrjeer baahisay inay doorashada dawladaha hoose dhacayso 2012 gudihiisa, umaduna waxay kaa sugaysaa inaad ka dhabayso.
Waxay bulshadu xasuusan tahay ka soo guryo noqoshadaadii Dubai inaad heshiiskii idin dhexmaray adiga iyo sheikh shariif kaga sharci garayso labada gole mudo saacado gudahood ah mudnaanta ay kuu lahayd awgeed
Warbaxintaydii horena waan ku sheegay,Waxaan aaminsanahay musuqmaasuq inuu aafeeyay xukuumaada siilaanyo.”Ayuu Hadalkiisa ku soo gabogabayey.
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 337 times.






