Berbera (Halbeegnews)–Habeenka caawa ah ayaa waxa hakad galay xoolo ka dhoofi lahaa dekeda magaalada berbera kuwaas oo isugu jiray Adhi, Geel iyo Lo Sababta Xoolahan hakadkooda keentay ayaa waxa ay qaar kamida ganacsatada xoolaha dhoofisaa ku sheegeen in xukumada Somaliland kordhisay lacagtii dheef korka ahayd ee ay ka qaadan jirtay Maxjarka uu maalgashaday Ganacsadaha carbeed ee Saleebaan Aljaabiri, xoolaha caawa la joojiyay in aanay dekeda galin oo ay lahaayeen ganacsato reer Somaliland ah iyo ganacsato carbeed ayaa waxa dhinaca dekeda loo soo dhaqaajiyay galabta casarkii dheeraa.
Iyada oo aanu dekeda ku xidhnayn markabkii xoolahaa qaadi lahaa balse qorshuhu ahaa In si dag daga loo soo xidho ayaa waxa gaabis la galiyay in markabkaa lasoo xidho si aan badheedh ahayn looga hakiyay in ay dekeda galaan Iyada oo ganacsatada xoolaha lahaydna lagu qanciyay in halkii markabkaa laga rari lahaa ku xidhanyahay markab uraran haayada W.F.P. Lagana furi doono iyaga oo xooluhu taagnaa agagaarka dekeda ilaa caaawa 1:00Am habeenimo iyada oo aan la soo xidhin markabkii xoolaha Qaadi lahaa kadibna sida ay noo sheegeen xubno kamida ganacsatada xoolaha oo ka gaabsaday in magacyadooda la xuso markii ay ukuur galeen sababta markabka xoolaha qaadaya loo soo xidhi layahay ay ogaadeen in xukumada iyo Maamulka maxjarka Aljaabiri isku maandhaafsan yihiin lacagta ay xukumadu kusoo kordhisay..
Lacagta ay kaa qaadan jirtay maxjarka,Maxjarka ayaa guud ahaan Neefka Adhiga ah ka qaadi jiray 5.5$ dollar iyada oo xukumada ujari jirtay 0.5$ halka ay hada xukumadu neefka Adhiga ah kusoo kordhisay 1$dollar neefka Adhiga ahna hada laga bilaabo laga rabo in maxjarku xukumada usoo xereeyo 1.5$ sidoo kale Geela iyo Loda ayaa waxa uu maxjarku ka qaadi jiray lacag iskumida oo ah 18$dollar neefkiiba iyada oo maamulka maxjarku ujari jiray neefkiiba ama uxereyn jiray xukumada 1.5$dollar halka ay hada xukumadu soo jeedisay in neefkiiba laga soo xereeyo 4.5$dollar sida shaxda ka muuqata xukumada ayaa waxay Lacagta ay hore uga qaadan jirtay maxjarka kordhisay neefka adhiga ahna 1$ Geela iyo lodana 3$ lacagtan ayaa ah mi dheef korka ah ee ay Xukumadu ka qaadan jirtay Maxjarka Aljaabiri lacagtaas oo ku dhici jirtay Account ka furan shirkada Dahabshiil sida ay hore usheegeen Ganacsatada Xooluhu.
Sidoo kale waxa ay wararka korodhka lacagtan la xidhiidhaa sheegayaan in xukumada Somaliland ugu talagashay in ay Dhaqan gasho maalinta bariya ayaa hadana caawa waxa laysku dayay in la hirgaliyo waxase taas diiday maamulka maxjarka oo haysta wareegtada lacagtan lagu kordhiyay oo dhaqan galkeeda ku qaran yahay maalinta bariya ee sabtida, Muran badan kadib ayaa waxa laysla Qaatay in xoolahani sidii hore ku dhoofaan caawa waxa danbena lacagtaa la kordhiyay laga jaro sida ay noo sheegeen xubno kamida Ganacsatada xoolaha dhoofisa oo aanu kula kulanay afaafka danbe ee xooluhu ka galaan dekeda.
Lacagtan xukumadu kordhisay ayaan si toosa aanay ugu kordhin ganacsatada xoolaha ee ah mid ay ku kordhisay shirkada maxjarka maamusha ee al-jaabiri,sidaa awgeedna ay ganacsatadu aad uga werwersan yihiin in maxjarku dhinaciisa ku kordhin doono,madama qiimihii dakhliga uu xukumada siin jirey ay korodhay neefkiiba qiimaha kor ku cad waxaana la sheegay in ay wareegtan xukumadu soo saaratay maalinta bariya sitoosa udhaqan galayso waxa kaliya ee la dhawarayaana ay tahay talaabada uu maamulka maxjarku qaado inkastoo aanu wali sicad u ogolaan maamulka maxjarku lacagtan lagu kordhiyay mar aanu la xidhiidhnayna ay noo sheegeen in maalinta bariya ay war cad ka soo saari doonan , dhinac xukumada ayaan iyaduna sicad ubaahin lacagtan ay ku kordhisay maamulka maxjarka Iyada oo lacagihii maaliyada iyo banka ee xukumadu iyagu sidoodii yihiin wax korodhana aan lagu samayn.
Halbeegnews, Berbera
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 414 times.






