Rammadaan Wanaagsan, waxa aan halkan ugu mahad celinayaa dhamaan bahda saxaafada ee habeen iyo maalin utaagan sidii ay dadka usoo gaadhsiin lahayeen warar daraya oo ka hufan qof jeclaysi iyo caadifad wax aan lee yahay illahay hadinka abaal mariyo, aan u soonoqdo ujeedada qoraal kayga:
Waxa ah wax lala yaabo, ama laga xumaada qoraalka ka soo baxay gudoomiyaha Gobolka Togdheer Mr. Abdoo Aayar, oo soo xulay guddi uu ku magcabay in ay yihiin Guddida Dib u dhiska Air port ka Burco, ku waas oo isgu jira bakhaarlayaal, xildhibaano, iyo qaarkale oo qasaawasalan ah, waxa intaas dheer laba xildhibaan oo midba naanayso fasiraadoodu muran badan dadka galiso oo dhex boodaya mashruuca WAABEEYO IYO MAREEXAN dib udhiska Airport ka burco, bal akhristayaal aan iidin is yara waydiiya su’aalahan si aa u heshaan wadarta dhabta ah ee guddidan la’magacaabay:-
Meeday Burco Guddideedii horumarka? Maxaa hawlgabka ka dhigay guddidii horumarka? mise mashruuca Airportka Burco wuu afduuban yahay?, jawaabtu idinka ayay idiintaalaa!!!!
Intaas oo dhan marka aad naftaada waydiiso waxa aad ogaanaysaa halka sartu ka gudhun tay. Burco waxay lahayd Guddi horumar oo soomalilandta kale oo dhami ay majiirtaan taas oo qaybweyn ka qaadatay dib udhiskii burco, Waa guddii hirgalisay Jaamacada burco, waa Guddii hirgalisay Bridge ka labaad ee Burco, Waa guddi dii hirgalisay Cisbitaal Dhimirka Burco, oo ay gadhwadeen ka yidhiin Alle hadaayee Mohamed Hussien iyo Ina Adan dhire.
Somalidu waxa ay tidhaahdaa SACABKA HADAAN XEELADI KU JIRIN MAXAA HABEENKII LOO TUMAA!!!!!!!!! Iminka waxa loo soo fakaray oo ragdoonaya in ay dadka isi sudhaan, waxna wa laaqaan ayaa taladii la wareegay dushana u sooray guddi ay samaysteen wax background building aan lahayn, oo aan odhan karo waa GEEL KIIS. Anigu sifiican ayaa u wada aqaanaa dhamaan guddidan iyo labada xildhibaan markii aan akhriyay magac yadooda waxa igu soo dhacday in uu badhasaabka burco ka xog layahay nimanka uu guddida uga dhigay mashruuca Airporka burco, Waayo dhamaan nimankani waxa ay ahaayeen nimanka durbaanada iyo daasadaha u qaabilsan ururada dalka marka doorasho jirto, ee may hayn niman wax kale la waydiiyo, Waa ku wii meelahaa ka guri jiray marka daahir riyaale ama siilaanyo imanayo , ama wasiiro WAARUN, WAARUN, WAARUN, maanta se waa Kaaf iyo Kala dheeri waxa loo egmaday.
Mashruuca Airporka Burco waxa uu u baahan yahay dad aqoon u leh, DHISMAHA ( Architecture Buildings). Ee waydhaaftay intii ay yaqaaneen meesha waxa la dhisayaa waa Run Way & Terminals, Ninbaa laga hayaa HABEEDIIBA KAMA MAYDHANINE HALYARAA SHUQULKU. Halkaa waxa aan odhan lahaa dib halay sugunoqdo oo reer Burcow Arrintaa dib haloo eego.
Waxa yimi labadan Xildhibaan Mr. WAABEYO IYO Mr. MAREEXAN waxa aan lee yahay Burco mar bay idiin khaldan tay oo cod idinkusiisay in aad xildhibaan ku noqotaan, maanta marlabaad idiin khaldamimayno ee meesha isgataga waxba idiinmayaaliine, waad joogiweydeen, dee aqoontiinuna waa Secondary, Ma xafladbaynu Maansoor ka furaynaa??? iyaga waxa aan ku dhaafayaa:
” Nina dhaqashuukuugu dhabar jabay nina dhuunuu ku dhex jooga ”
Reer Burco way yaqaaniin cida wax uqabnaysa oo waa Guddii Horumarka ee Burco ayna hogaaminayeen Mudane Mohamed Hussien iyo Ina Adan Dhire markaa Burco Guddi Waarabo Utaaga uma Baahna !!!
GABOGABO Waxa aan kula talinlahaa dhamaan cida aykhusayso mashuuruca Airpor ka Burco in Gacanta loo galiyo Gudidii horumarka ee Burco. Guddidaas oo kasbatay quluubta dadka reer burco ee qurba jooga ah, Gudidaas ayaana ka bixi karta hawshan balaadhan. Gudidan la magacaabay waxa laga soo reebayaa Ing. Faarah Xussien. Hadiikale SAA DANBAAD GARANEEY!!!
WAA BILAAHI TAWFIIQ
Mohamoud Mohamed Artan
UK
This post has been viewed 447 times.






