Sheekh Shariif Oo Nairobi Ka Degay Lana Kulmay Hillary Clinton Maxay Ka Wada Hadleen

Posted by on Aug 3rd, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Nairobi (Halbeegnews)– Madaxweynaha DKMG ayaa maanta wuxuu kulan kula yeeshay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka maraykanka Hillary Clinton wuxuuna Shariifku magaalada Nairobi kaga qayb gallaya shir lagaga hadlaayo arrimaha Soomaaliya oo nairobi ka furmaya, warsaxafadeed xafiiskiisa naga soo gaadhay ayaa lagu yidhi sidani:

“Madaxweyaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo  ayaa caawa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu berri ka furmayo shir looga hadlayo xaaladda waddanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Nairobi kula kulmaya xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka Helery Cilinton iyo masuuliyiin kale oo ka socota beesha caalamka, waxaana shirka diiradda lagu saari doonaa marxaladda cusub ee ay Soomaaliya galayso iyo kaalinta ay ku yeelan karto beesha caalamku.

Shir jaraa’id oo uu madaxweynuhu ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in shirka ay ka qeyb galayaan hoggaamiyeyaasha maamullada dalka ka jira sida Puntland, Galmudug iyo ASWJ.

Madaxweynaha Soomaliya mudane shariif sh. Axmed wuxuu kulan la yeeshay wasiiradda arrimaha gudaha ee dalka Siishilis iyo Waiisirka gaashaandhiga dalka Kenya Yusuf Haji iyo Jeef Morgan.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha mudane C/samad Macalin Maxamuud,  C/qaadir Macalin Nuur oo ka tirsan hoggaanka ASWJ iyo masuuliyiin kale.

-  Dhamaad –

Halbeegnews, Nairobi

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 746 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright