Xisaabiyahii Guud Ee Gobolka Sool Oo Caawa Lagu Khaarajiyey Gudaha Magaalada Laascanood, Iyo Tikniko Ciidanka Qarranka Lagala Fakaday Oo Dib Ay U Qabsadeen

Posted by on Aug 2nd, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Laascanood (Halbeegnews)– Dablay aan la aqoonsan cidda ay yahiin ayaa caawa wakhtigii afurka waxay gudaha magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool ku khaarajiyeen xisaabiyahii guud ee gobolka Sool ilaahay naxariistii janno fardawsa ha ka waraabiye Maxamed Cawil oo la sheegay inuu wakhtiga ku socday sallaadii maqrib.

Lama garanayo cidda dishay waxaana ay Booliisku sheegeen inay bilaabeen baadhitaano laxaadleh oo arrintaasi la xidhiidha, dhinaca kalana Taliska ciidanka qarranka ee gobolka Sool ayaa gacanta ku soo dhigay laba gaadhi oo nooca tiknikada ah oo dhawr usbuuc ka hor ciidanka qarranka lagala fakaday kuwaasi oo ciidanka qarranku xoog kula soo wareegeen maanta gelinkii danbe.

Halbeegnews, Laascanood

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 436 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright