Hanti-dhawaraha Guud ee Qaranka oo Diidmo kala kulmay codsi uu Maxkamadda kaga dalbaday in Shan iyo Afartan cisho oo Rumaana loo jaro Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee ay Madaxtooyaddu xidhay

Posted by on Aug 2nd, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)–Hanti-dhawraha guud ee Qaranka ayaa bilowgiio Dacwada uu ku haysto Agaasaimahii Waaxada Maamulka iyo Lacagta ee Telefishanka Qaranka kala kulmay fashilaad kadib markii uu manta Garsoorihii la hor geeyay masuulkaasi xidhan uu ka codsaday Shan iyo afartan cisho oo Rumaan ah inuu u jaro.

Garsooraha Dacwada haya oo ah ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa soo jeedinta Hanti-dhawrka Ganafka ku dhuftay kadib markii uu dhagaystay Eeda uu Hanti-dhawruhu soo bandhigay, waxaanu Amray in uu Afar cisho oo kaliya ku soo dhamaystirto Eediisa.

Hanti-dhawaraha Guud ee Qaranka Maxamud Dheere ayaa Maxkamadda horteeda ka soo jeediyay in Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta TV-ga Qaranku Lunsaday Lacag Satalaytka Telefishanku isticmaalo ah, balse Agaasimahe Eeda loo soo jeediyay ayaa Maxkamadda ka hor cadeeyay in Lacagta Hanti-dhawruhu ku Eedaynayaa tahay mid sharci ah oo ay Wasaaraddu ku kirasatay Satalayt-ka Dibeda u baxa Xisaabtiisuna ay tahay mid Cad oo Wasiirka Wasaaradda iyo Agaasiaamaha Guud ba saxeexaan oo sharci ah xafiiskana taala. Isagoo sidoo kale sheegay Xafiiska Hanti-dhawraha laftiisana inay taalo oo uu Ogolaaday sabab isaga loogu Eedeeyaana aanay jirin.

Garsooraha ayaa markii uu dhagaystay Dooda labada dhinac waxa uu Hanti-dhawraha Amray Afar cisho gudahood inuu ku soo cadeeyo Eediisa.

Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka iyo Madaxtooyadda ayaan illaa hada cid kale u soo qaban Eedo musuq maasuq oo dul hoganaysa wasaaradda warfaafinta, taasoo ah mid ay saamayn ku leeyihiin dad ka ag dhaw Madaxtooyaddu, isla markaana qaab Ganacsi loogu baratamayo Iibka qalabka Telefishanka Qaranka.

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 318 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright