Kormeerkii Madaxweyne Siilaanyo Oo Jawaab Kooxaha Ku Wareegsani Uga Dhigayeen Warkii Wergeyska African Intelligence, Iyo Tafatiraha African Intelligence Qaybta Afrika Frédéric Lejeal Oo Halbeegnews Xogo Dheeraad Ah Siiyey

Posted by on Aug 2nd, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

London (Halbeegnews)– Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta wuxuu booqasho ujeedadeeda lala yaabay ku tagay dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa halkaasi oo la sheegay inuu kula dardaarmay Dawladda hoose inay wax ka qabato baahiyaha dadweynaha ka haysta.

Arrintani ayaa haddaba markii ay maanta soo baxday waxay Halbeegnews ku samaysay baadhitaan laxaadleh oo ay ku ogaatay in xubnaha madaxweyne Siilaanyo ku wareegsani ay xamili kari waayeen qoraal uu dhawaan daabacay wergeyska Indian Ocean Newsletter qaybtiisa African intelligence ee ka wax ka qorta arrimaha ama xogaha dhinaca sirdoonka laga hello, qormadaasi oo wergeysku kaga dayriyey xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo.

haddaba si aanu taasi wax uga ogaanu ayaa waxaanu khadka telefoonka ee magaalada Paris kula xidhiidhnay tafatiraha waaxda Beriga Afrika u qaabilsan wergeyskani Indian Ocean qaybtiisa African Intelligence oo la yidhaahdo Frédéric Lejeal, waxaanu wax ka weydiinay inuu faahfaahin naga siiyo halka ay ka helleen xogta odhanaysa xaaladda Madaxweyne Siilaanyo halis ayey ku jirta wuxuuna ku jawaabay Frédéric Lejeal “horta mid ayaan ku sheegayaaye qormadaasi haddii aanay dhab ahayn maanan daabacneen waxaanu leenahay khibrad 50 sannadood kor u dhaafaysa oo aanu gobolkaasi xaaladiisa ka war haynay, warka African Intelligence wuxuu ku aroora xogo aanu ka hellay sirdoonka dalalka reer galbeedka, intaan ka war haya waxay tahay inuu Madaxweynaha Somaliland  jidh ahaan caafimaad qabo balse muddo hadda laba sanno ilaa sannad iyo badh laga joogo uu xanuunka mirqaha madaxa ku dhaca haleelay waa sida aanu ka soo xiganayno ilahaasi eh, Madaxweynahu wixii intaasi ka danbeeyey waxaa ku adkayd inuu sidii lagu yaqaanay u shaqeeyo, xanuunkani wuxuu baday madaxweynaha ilawshiyo farabadan, daal farabadan iyo inaanu xaaladda dalkaasi war badan ka haynin” ayuu yidhi Frédéric Lejeal

Haddaba arrintani ay maanta xubnaha ku wareegsan Madaxweynahu ee wergeyska Indian Oceans Newletter qaybtiisa African Intelligence hore u sheegeen uu ka mid yahay wasiirkiisa madaxtooyada Xirsi Cali Xasan ayaa maanta u wehelinaayey socdaalkaasi, waxaana loo malayn kara inuu yahay mid farriin loogu dirayo shacabka inuu Madaxweynahu weli lugaynaayo, balse su’aasha taagani waxay tahay Madaxweynahu maskax ahaan dalka ma ka taliya?

Halbeengews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 780 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright