Madaxweynahii Galmudug Caalin Oo Shariikadda Dahabshiil Ku Eedeeyey Inay Sabab U Tahay Khilaafka Maamul Ee Gobolkaasi Iyo Guddoomiyaha Dahabshiil Cabdirashiid Ducaale Dahabshiil Oo Ganafka Ku Dhuftay

Posted by on Aug 2nd, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Gaalkacayo (Halbeegnews)– Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Maxamed Axmed Caalin  oo shallay u waramaayey idaacadda laanta afka soomaaliga ee VOA-da ayaa wuxuu ku eedeeyey Shariikadda DAHABSHIIL wuxuu ku tilmaamay inay doonayso in maamulkaasi yeesho laba Madaxweyne

Madaxweyne Caalin oo arrinta ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxaan usoo jeedinaya shariikadda DAHABSHIIL inay joojiso oo ay siyaasadda iyadu ka baxdo waa ganacsato weeyi iyadu ganacsigeeda ha ku jirto, inay dadka ay wax ka shidayso faraha kala baxdo ayaan soo jeedin lahaa, Dahabshiil hore ayaan u gaadhsiiyey qayb ka mid ah waxaanan ka xumahay inay Galmudug hal madaxweyne wax ka badan yeelato” ayuu Madaxweynaha Galmudug Caalin yidhi

dhinaca kalana Guddoomiyaha shariikadda Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale DAHABSHIIL oo isaguna hadka telefoonka ugu waramaayey isla laanta afka soomaaliga ee Idaacadda VOA-da ayaa ganafka ku dhuftay inay shariikadiisu wax gacan ah ku leedahay arrimaha siyaasadda guud ahaan iyo gaar ahaan maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug isagoo taasi ka jawaabayana wuxuu yidhi “Arrinta eedaynta ah war aanu runtii anagu la yaabnay ayuu ahaa maxaa yeelay shirkaasi anagu lamanaan socon, tartankaasi Galmudug ka socdayna kamanaan war haynin, waxaanu u aragna inay tahay mid aan sax ahayn, saamayna kumanaan lahayn arrimaha Galmudug ka socda, maxaa yeelay kamabanaan war hayninba, waana runtii nasiib darro” ayuu ku jawaabay Cabdirashiid Ducaale maamulaha guud ee Dahabshiil Group

Cabdirashiid oo weriyahu weydiiyey maadama ay shariikaddu tahay mid dhamaanba dhulka Soomaalidu degto ka shaqaysa waxaa xilligani keeni kara nin siyaasi ah oo hogaamiye ahi inuu shariikadda eedeeyo wuxuu Cabdirashiid kaga jawaabay “horta walaal gobolkaasi Galmudug ayey arrintu ku saabsantahay inay sidaasi u koobnaato ayaa haboon, waxaanan ku sheegaya shaqada nooga socotaaba waa shaqo kooban, shaqaale ayaa nooga shaqeeya gobolkaasi u dhashay, marka ugu horaysa dhammaanba ummadda soomaaliyeed meel ay joogaanba waanu u shaqayna, siyaasadna kuma jiro shariikad ganacsi ayaanu nahay, runtii anagu waxaanu u aragna inay nasiib darro tahay oo ay khalad tahay manaan ka filayn in ninkaasi odayga ahi uu hadalkaasi nagula dhaco oo halkaasi idaacadda ah ka sheego, siyaasiyiintu iyagu ha is maageen haddii ay doonayaan, laakiin shariikadaha ganacsatada ah ee ummadda soomaaliyeed shaqada u abuuraya in hadaladda noocaas ah loola badheedho ayaan darro ayaanu u aragna, waxaanu ka codsanayna ninka masuulka ahi inuu hadalkaasi ka noqdo”

Cabdirashiid Ducaale oo la weydiiyey inuu jiro xidhiidh u dhexeeya Dahabshiil iyo maamulka galmudug wuxuu kaga jawaabay “shariikadda Dahabshiil dhammaan goboladda Soomaaliyeed oo dhan way ka shaqaysa maamulkii gobolka joogaba haddii aanu nahay shariikad soomaaliyeed oo ganacsato ah waanu la shaqayna kuu doonaba ha noqdo kii joogaba ixtiraam ayuu nagu leeyahay, hadalkaasi ee sheegay ee uu idaacada ka sheegayna wax alla iyo wax ka jira ma jiraan, anaga mar walba ixtiraam ayuu nagu leeyahay, haddii uu madaxweyne yahay iyo haddaanu ahaynba sharafbaana naga dhexeysa, waxaanu anagu ka shaqaynaana ummadda oo dhan ayaanu u shaqayna, sharciyadda meel walba ka jira ama gobol walba ka jira waanu ilaalina” ayuu ku jawaabay C/rashiid Ducaale

Maamulaha Dahabshiil Cabdirashiid Ducaale oo la weydiiyey su’aal ahayd inuu jiro wax khilaaf ah oo ku saabsan dhinaca ganacsiga oo DAHABSHIIL iyo Galmudug ka dhexeeya wuxuu ku jawaabay “anaga iyo Caalin iyo Galmudug wax khilaaf ah oo naga dhexeeyey ma jirto, wax kale oo imika naga dhexeeyaana ma jirto, hadalka uu yidhina wax imika ka horeeyey oo aan ka maqlay ma jirto, waxaanan u rajaynaya inay sheekaddu halka ku xidhanto,  anagu cid walba waanu u shaqayna madaxweynaha cusub, kii hor iyo ka mustaqbalkaba cid weliba waa noo simanyahiin” ayuu Cabdirashiid Ducaale kaga jawaabay su’aashaasi

Halbeegnews, Gaalkacayo

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 486 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright