Weerar Banbaanadda Gacanta Laga Tuuro Oo Lala Beegsaday Guriga Maayorka Cusub Ee Magaalada Laascanood

Posted by on Aug 1st, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Laascanood (Halbeegnews)– Waxaa caawa fiidkii weerar banbaano gacmeed ah lala beegsaday guriga uu degenyahay maayorka cusub ee magaalada Laascanood Mudane Faarax Cabdi Cismaan (Faarax Yare) sidasina waxaa Halbeegnews goor dhawayd khadka telefoonka ugu xaqiijiyey badhasaabka gobolka Sool Mudane Maxamuud Jeenayare.

“Abaaro 09:00 fiidnimo ayey ahayd waxay ahayd banbaadda nooca gacanta laga tuuro, marka cid wax ku noqotay ma jirto, marka laga reebo askari faliidh yar gallay mooye, dayrka guriga ayaa inyar dhaawac soo gaadhay” ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Sool Jenayare

Badhasaabku wuxuu sheegay inay ciidamadda Booliisku ku jiraan baadhitaan la xidhiidha ciddii falkani ka danbaysay mar aanu weydiinay in falkani uu la xidhiidhinayo arrintii maayorkii xilka iska casilay Badhasaabku wuu ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo

Halbeegnews, Laascanood

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 318 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright