Marka hore waxaan ku bilaabayaa magaca ilaahay ee iska leh naxariista guud iyo ta gaarka ah. Marka labaad waxa aan wax la iska indho tiro ahayn in bulshadeena ay soo wajahaan dhibaatooyin fara badan, hadday tahay xaga dhaqaalaha, xaga nolosha,xaga caafimaadka iyo dhibaatooyin kale oo fara badan maqaal kaliyana aan lagu soo koobi karayn. Waxaan isku dayi doonaa in aan tilmaamo toban dhibaato oo bulshadeena haysata iyo bal sida ugu wanagsan ee loo xalin karo fikard ahaan 
- Dhibaatda koobaad waa shaqo la_aan baahsan. Shaqo la_aantu waa dhibta ugu wayn ee bulshadeena haysata gaar ahan dhalinyarada soo dhamaysata jamacadaha oo aad uga warwara shaqo maad heli mise waad waayi. Waxa muhiim ah in shaqadu ay qofka jeclaysiiso dalkiisa oo uu ku kalsoonaado aanu ku fikirin tahriib haddii uu camal wanagsan helo si uu wax u taro waalidkiisii intaaasoo sanno wax soo barayay ee soo quudinayay. Shaqo la aanta bulshadeenu waa heer aad u sareeya siina kordhaysa maalinba maalinta ka danbaysa, hadaba waxa is waydiin leh sideebaa loo xalin karaa dhibtan muuqata.Fikrad ahaan waxa loo xalin karaa iyada oo shaqooyin badan la abuuro lana dhiiri galiyo gaancsatadeena si ay dalka u keenaan warshado tayo leh oo shaqaale badan qaaadata .dhanka kale waxa iyaduna mudnaan mudan in si xaq oo xalaal ah marka la shaqaalaysiinayo dadka loo kala doorto oo waa reer hebel iyo maaha ee inaga daayada meesha laga saaro, waa in shayga wax lagu shaqalaysiinayaa uu noqdaa cilmiga qofka iyo hawlkarnimadiisa.
- dakhliga qoysaska celcelis ahaan oo hooseeya. Run ahaantii waxa wax lagu qiimeeya waa dakhliga bulshada celcelis ahaan, ka dibna waxa la eegaa inta qof kasta soo gasha sanadkii ama maalintii, dalkeena waxa lagu tilmamaa in aynu ka hoosayno poverty line(liinka faqriga) waayo qof kasta ha yaraado am ha way waynaado ee marka la soo saaro celcelis ahaan waxa soo galla dakhi ka yar hal dollar maalintii taasina waxay cadaynaysaa in aynu nahay kuwa ka hooseeya liinka faqriga, waxa is waydiin leh xalku wa maxay, waxa weeyaan in dadak iyo bulshada la horu mariyo noloshooda oo loo abuuro bangiyo ay wax ka soo amahdaan sida ay caalamkuba sameeyaan iaydoo qofka laga buuxinayo faylal iyo infromation badan. Waxa kale oo mudan in la tilmaamo in maanta qoys kasta oo ladan oo hargaysa dagan ay ku ag hareeraysan yihinn boqolaal qoysas ah oo aan dab loo shidin markaa maadaamoo aynu nahay bulsho muslim ah waa in aynu isku naxariisanaa oo aynu is caawinaa. Nabigeena suuban waxa uu inagu booriayay is caawinta iyo is jecaylka, waxaanu inoo sheegay in qofka isagoo dharagsan ay jaarkiisu gaajoonayaan aanu haba yaraatee wax iimaan ah lahayn. Wax kale oo iaydan aan lenahay in meelaha masaajidada ah laga caawiyo qoysaska danyarta ah inta la soo ogaado cidda ugu daran. Waa in laga cidhibtiro faqriga dalkeena gacmahana la is wada qabsado
- nadaafada oo hoosaysa haday tahay xaga biyaha iyo cuntada. Si loo noolaado oo loo caafimaad qabo waxa waajib ah in la ilaashado biyaha iyo cuntada aad cabayso am cunayso. Caafimaakuna waa shayga ugu qaalisan ee bacdal iimaan eebbe uu ku manaysto qof, sidaa awgeed waa in aan ilashanaa labadaa. Meelaha miyiga waxaad arkaysaa dadkoo ka cabaya biyaha isla meeshii ay xoolohoogu ka cabbeen ee ay xataa ku saxaroodeen. Waxaad arkaysaa isla ceelkii aya carruurtu ku dabaasheen oo hadana galinka danbe laga dhaansanayo lana cabayo, ma u malaynaysaa in dadkaai walaaleheena ahi ay subaxa danbe caafimaad qab ku soo toosayaan jawaabtu wa may, xalku waa fudayd waxana loo samaynayaa dadka ceelal u kala qaybsan xoolaha iyo dadka si ay uga nabaad galaan halistaasi.
Xaga magaalad waxaad moodaa in taa biyhuh ay sdiaa dhaanto laakiin xaga cuntada ayaan ka liidanaa waayo cuntooyinka dalkeena lagu cunaa haday tahay bariis, baasto iwm waa kuwa ugu liita tayo ahaan cuntooyina dadka kale ee jaararku cunaan. Wax muhiim ah in saliida dalkeena ay keenaan ganacsatedeenu aanay tayo aad u badan lahayn lagana qaadi karo xannuuno badan hadaan laga taxadirin. Bulsho kastaa waxay leedahay waxa la yidhaahdo quality control(kaantaroolka tayada) markaa wax kasta oo dalkeena soo gala ha la baadho hana la hubiyo in ay ku jiraan wax dhib keeni kara si aynu uga badbaadno halistaasi ay keeni karaan
- wadooyinka iyo warshadaha oo tiradoodu ay yar tahay. Maanta waa tiro warshadaha dalkeen ka shaqeeya oo waa ay kooban yihiin, waxa kaliya ee aan dhoofinaana waa xoolaha nool. Bulshadu waxay isku filnaansho gaadhaa marka kharashka u soo xaroonaya uu ka badan yahay ka iyada ka baxaya, or when the export income exceeds import expenses. Sidaa daraadeed waxaam soo jeedin laha fikrad ahaan in warshadaha la badiyo laguna dadaalo in la wada dhisto wadooyinka.wado aad dhistaa waa sadaqo jaariya oo waligeed kuu soconaysa qof kasta oo marana ajar ayaad ku leedahay. waddo aad dhistaa wa adoo naf ka bad baadiyay dhimasho. Gacmo wad jir ayay wax ku gooyaan. waana ay muuqataa meelo badan oo hargaysa ka mid ah shicibku ay wax qabsadeen oo ay ku guulaysteen in ay dhistaan wadooyin. Mar kasta oo wado la dhiso ama la dayac tiro, heerka shililka iyo tiaradooduba waa ay yaraataa.
- dhaqan xummo iyo xannuunada oo kordhaya. Waxa jira arimo badan oo aan la iska indho tiri karin oo bulshadeena ku soo dhex kordhaya, waxaa ka mid ah dhaqan xummo ay ka mid tahay wadooyinka iyo luuqaqa aad marto oo aad ku arakayso rag iyo dumar tagan oo aan sharci isku ahayn. Sinnadu wa ay kordhaysaa dalkeena maalin ba maalinta ka danbaysa waxanay noqonaysaa wax iska caadi ah, taasina waxay keentay in xanuunada laga qaddaa ay sii kordhayaan sida AIDS ka tusaale ahan barigii hore dhakhtarka wayn iyo xarumaha baadhista ee cudurkan, dhawrkii cishoba qof ayaa laga heli jiray, laakiin manta bal soo arag daily waa saddex ama afar qof oo cusub ku darsoo inta aan is baadhayna waa wax badan marka loo eego inta is baadhaysa. Walalayal nabigenaa inoo sheegay in mustaqbalka la arki doonoo xanuuno aan waligood la soo arag sobobtuna waa marka faaxishadu ay dhexdena caadi noqoto. Ilahay ha laga baqo oo hala dahwrsoonaado lab iyo dhidig ba si naxriista eebbe aynu u helno ugana badbaadno xanuunadaasi
- tayada daawooyinka bulshadeenu isticmaasho oo aad u hooseeya. Daawooyinka bulshadeenu isticmaashaa waa dawladaha aasiya badankoodu ama inida, china ,pakistan,malaysia iwm. Waxa muhiim ah in marka uu qofku xanuunsado uu qaato dawo tayo leh si jeermiskii jidhkiisa loo dilo. Laakiin hadii qofku uu qaato dawo liidata oo dushana ay kaga qoran tahay100% pure pennicilium, marka gudaha la baadhana ay ku jiraan 5% pure. Waa dhibaato taasoo kale marka aad qaadato wax ba kuu tari maysee waa lagaaga sii darayaa uun, dhakhtarkana waxaad ku odhanaysaa dr waan ka sii daraya anoo dawadii isticmlaya, dee dawo maad cuninee ilayn daqiiq cad ayaad cunteeeeeee. Waxaan ku dhiiri galinaya dakeena in aanay u eegin dawad ma jaban tahay mise waa qaali ee ay u eegaan tayo ma leedahay, aanay ku dadaalaan in ay iibsadaan daawooyinka yurubta iyo dawladaha hore u maray. Waxaad la yabaysaa qof ayaa pharmacy tagaya ka dibna daawadii uu u baahnaa tusaale ahaan larsprazole ayuu waydiinayaa ka dibna kii pharmaciag hayay aya ku odhnaya waxan haya iaydoo yurub ah qiimeheeguna xabaddu waa1000 sh, iyadoo pakistanana waan hayayoo xabadu waa 200sh. Qofkii qaybta lexejecladaa shaqaynaysa oo uma egayo tayada ee waxa uu odhanayaa taa labada boqol ah ii miis. Wiig ka dibna waxa uu odhanaya wali sidii baan ahay, waa xaq inuu sidiisaa ahadaa waayo dawo muu cunin ee pronoun ayuu cunay.
- Diin cayga oo soo badanaya mudooyinkan danbe. Nimcada ugu wayn ee ilaahay uu bixiyaa waa islaamtinimada iyo iimaanka. Walalayal waxaa jira dad nimcadaa caaya maalin kasta suuqaqa aan ku noolnahay.kuwaasi waxay caado ka dhigteen in ay caayaan ilaahay isagaa xumaan ka nasahanee, in ay caayaan nabigeea suuba N.N.K.H isagaa cay ka nasahanee iyo diinat xaniifka ah. Waxa inagu waajib ah in aan ka damqano arinkaasi oo aan takoor saarno qofka sidaa ku sifaysan loona caqli celiyo, lana tuso in uu gaalnimo ku sugan yahay aanay waajib tahay inuu ilaahay u toobad keeno xagiisna u noqdo. Waxa wax lala yaabo ah hadii uu nin diintaada caayo kama cadhoonaysid laakiin hadii uu reeerkaaga wax yar ka sheego waad iskala garan waayayasaa xilli aad feedhka iyo budka ku dhufatayna isma garnaysid. Waar ma reernimadaa laga jeclaaday ilaahii khaaliqa ahaa inalilaah wa inaalilahi rajicuun. Let us change ourselves before it is too late.
- Dhibta qaadka. Balwada qaadku waa ay dhib badan tahay dhaqale ahaan ,caafimaad ahaan,cibaado ahaan,qoys ahaan iyo bulsho ahaanba. Waxa aan wada ognahay in qofku uu dalkena ku bahay aanay adag tahay joojintiisu ama la dagaalankiisu. Bal waxaan ka yara hadlayaa dhibtiisa, qaadka waxa ku jira drugs fara badan oo aan la soo koobi karayn kuwaasi oo qofka waa siday yidhaahdaane mirqaansiiya. Nin qayila ayaan waydiiyay mirqaanku waa maxay, wuxuu igu yidhi waa naftoo lagu hor wad wado si kale haddaan u tilmaamo waa nafta oo ka baxaysa sidii caadiga ahayd galaysana si aan caadi ahayn, shaqada maskaxda iyo dhiguna ay aad u shaqaynayaan. Waxaan uga socdaa mirqaanku waa nooc waalida uun ka mid ah ma waxaad aragtay nin dhisayo fooqaq oo markuu ka kaco jaadka haddana ay wad dumayaan, nolshiisana saa ku wada waligii. Jaadka dakhli ayaa inagag baxa maalin kastana malaayiin dollar ayaa ku kharash garaynaa, qoysas ayaa ku bur bura, caruur ayaa ku agoomooba. Waligaa ma maqashay agoon aabohood nool yahay, waxa weeyaan caruur uu aabohood soo helo maalintii quutul daruuriga ka dibna uu isagu ku qayilo halkii uu qoskiisa u gayn lahaa kuwaasaaa la yidhaaahdaa agoon aabohood nool yahay. Qaadku xataa caafimadku wax yeelaa bulshadenana wa ay ka muuqataaa. Qaadku wuxuu la dagaaalama cibaadada shakhsiag, ninka qayilaa marnaba cibaado fiican ma sameeyo waayo mar waa qaadiroonayaa marna waa nin kacsan oo mirqaansan. jaadku waa cadawga koowaad ee la dagaalamaya horumarkeena ee aan meel uga soo wada jeedsano. Bari dhawayd oo aan tagay ethiopia magaalada la yidhaahdo hawaday waan la yabay sida ay u dhisantay waayo mar kasii horaysay oo aan u safray waxay ahayd meel tuulo ah oo aan wax dhsimo ah lahayn haba yaraatee, ma garanaysaa waxa laga dhisay waxaasoo guryo iyo wadooyino iyo hor u mar ah , waa lacagteena ay jaadka inagaga badashaan. Waa dagaal sokeeya jaadku ee aan la dagaaalano.xalinta jaadka dalkeena waa arin aad u adag waayo umaddena yar iyo waynba waa ay ku mammeen cunista jaadka laakiin hadana waa lala tacaali karaa tusaale ahaan xashuurta aynu ka qaadno oo aad loo badiyo. Ka dibna la yareeyo jaaadka dalkeena soo galo. Marka labaad dadka oo laga wacdiyo lana fahansiiyo in diinteena islaamku aanay ogolayn jadka iyo wax kasta oo maandooriye ah qoffkana badalaya xaalkiisa caafimaad.
Ugu danabayn waxaan us oo jeedinayaa Dhalinyarada gaar ahaan ardayda waligaa iska ilaali balwada jaadka waayo malintaad iliga saarto ka quuso mustaqbal , caafimaad, cibaado iyo akhlaaq wanaagsan.
- magaalo joog xumada waxa la yidhaahdo. Magaalo joogxumadu waa kalmad ku cusb luuqada somaliga ah laman aqoon barigii hore. Waxaad arkaysaa suuqa magaaalooyinkeena arimo aan ku wangsanayn dadka reer magaalka ha waxaa ka mid ah. Nin ama oday suuqa dhex sita bud dheer oo waliba qoorta ku sita oo wadada ku balaadhinaya budkiisa, kaasoo kale markaad iskaga soo hor baxdaan meel luuq ah ama waddo yar waa kugu dhacayaa budkiisii ama bakooradiisii. Waxa kale oo ka mid ah magalo joogxumada in suuqa dexdiisa gaar haan bacadlayaasha aad ku arkayso iyadoo dadka la kala jiidanayo rag iyo dumar ba. Ay ugu yeedhayaan magacyo nasiib ah taasina ay ka cadhaysiiso dadka. Waxa ka mid ah magaalo joogxumada sigaar in lagu cabbo meelaha dadka ka dhexeeya sida hudheelada, basaska,internadada iwm. Waxa ka mid ah in magaalo joogxumada in qof aanad waligaa arag intuu magacaaga meelaha ka soo maqlo uu kuugu yeedho maanad ina hebel ahayn ,ima garanaysdi miyaa, waa anigiiyee ka dibna uu halkaa waxa kaaga qaadoba hadhaw markad dib u tooyatana lagu yidhaahdo waar ma jiro qofkaaaaaaasi.Sidaa darteed halaga digtoonaad arimahaaasi.
- Darbi jiifka oo suqaqa dalkeena ku sii badanaya. Marka aad marayso jidadka dalkeena waxaad arkaysaa caruur fara badan oo darbiga jiifa, xabagna nuugaya oo miciinsanaya gudaafadaha agtooda,dooxyada iyo biriijyada magaalooyinka. Darbi jiifku xaq ayuu leeyahay wax kalana maahee waa wiil ama gabadh yar oo miccin wayday, waaldikooduna aanu noolayn ama danyar yihiin. Caruurta yar yar haddii su aalo aad waydiiso waxay kuu shegayaan in aanay jeclayn xaalada ay ku sugan yihiin ee ay dantu baday, sidoo kalana waxbarshada hadday helayaan ay baran lahaayeen. Walaalayaal ha loo naxariisto darbi jiifka iyo qof kasta oo miciin waayay.
Waxaan ku soo koobayaa , maanta waan ogaanay dhibteena ee aan xalka gadhno oo aan ka wada tashano. Umaddu waxay horumar gaadhaa markay teeda xaliso. Waad mahad san tihiin.
Diyaariye_ Aqoonyahan Cabdilaahi Ahmed H Abdi
cabdulecock@hotmail.com
This post has been viewed 726 times.






