Madaxweyne Siilaanyo Oo Soo Wada Isku Shaandhayn Laxaadleh Xaglatoosiye Oo Liiska Halka Hore Kaga Jira, Wasiiro La Eryayo Iyo UDUB Oo Saami Badan Ka Heli Doona Golaha Wasiiradda Cusub

Posted by on Jul 31st, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)– Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa lagu wada inuu saacadaha soo socda ku dhawaaqo isku shaandhayn balaadhan oo uu ku samayn doono golahiisa xukuumadda, badhasaabyada qarranka, iyo la taliyayaashiisa gaarka ah.

Sida Halbeegnews xogta ku heshay liiska cusub ayaa waxaa la filayaa inay ku soo biiraan xubno uu ka mid yahay Saleeban Xaglatoosiye oo la filayo in loo magacaabo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qarranka, Wasiirka Arrimaha gudaha ee hadda Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa loo wareejinaya dhinaca wasaaradda xannaanada xoolaha, wasiiradda inay xilalkooda waayaan la filayo waxaa ka mid ah wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, xannaanada xoolaha Cabdi Aw Daahir, Kalluumaysiga Cabdilaahi Geeljire, Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar wasaaradda arrimaha gudaha ayaa la filayaa in loo magacaabo Wasiir ku xigeenka maamulka Marwo ku soo biiri doonta oo la yidhaahdo Hinda Maxamed Jaamac.

Wasiiru dawlahii Maaliyadda Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa heli doona jagada wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka, halka wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Somaliland loo magacaabi doono Cabdilaahi Ibraahim Habane oo ahaa xoghayahii guud ee golaha guurtida Somaliland, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ayaa isagana loo magacaabi doona Cali Xaamud Jibriil oo wasaaradda waxbarashada laga soo wareejin doono.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa waxaa ku jira mugdi inuu waayi doono xilkiisa iyadoo xogaha qaarkoodna iftiiminayaan in loo wareejin doono dhinaca wasaaradda cadaaladda Somaliland halka wasiirka arrimaha dibadda Somaliland loo magacaabi doono Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ah xildhibaan ka tirsan golaha Wakiiladda kana mid ahaa xisbiga UDUB halka xogaha kalana tibaaxayaan in loo magacaabi doono Drs Edna Aadan Ismaaciil halka xogaha kalana tilmaamayaan in loo magacaabi doono nin aqoonyahan xeeldheere ah oo la yidhaahdo Ibraahim Meecaad oo hadda ku sugan dalka Canada, wasiir ku xigeenka hawlaha guud ayaa loo magacaabi doona Mahdi Cismaan Buuri oo isagu dhawaan sheegay inuu xisbiga UDUB ka baxay kuna biiray KULMIYE halka wasiir ku xigeenka hadda xilkaasi hayaana uu xilka waayi doono, Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ahayd wasiirkii waxbarashada ayaa loo wareejin doona dhinaca wasaaradda haweenka iyo shaqada, Cismaan Garaad Soofe ayaa isagana loo wareejin doona dhinaca wasaaradda cadaaladda Somaliland, waxaa isaguna xilkiisa waayi doona Xeer Ilaaliyaha guud ee qarranka Xasan Axmed Aadan iyadoo la filayo in lagu bedelo masuul hadda ka hawl galla haayadda UNDP qaybteeda sharciga.

isku shaandhaynta ayaa la filayaa inay saamayso badhasaabyada gobolada dalka oo dhan, iyadoo la filayo in la bedelo gobolada Togdheer, Saaxil, Sanaag iyo gobolka Caynaba

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 1850 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright