Akhristyaasha qiimaha leh waxaan leeyahay bal u fiirsadda muuqaalkan halkan ka muuqda, waa maxakamadda wadanka ugu sareysa (Maxkamadda sare ee Jamuhuriyadda Somaliland), waa goobta lagu fuliya cadaaladda, waa goobta xaqa iyo xaqdaradda lagu kala dhilo, waa goobta qofka gaboodfalka geeysta lagu abaalmariyo, waa goobta qofka dhibanah ahi ku helo xaqiisa, waa goobta ka wax dulmaa ku mutaysto ciqaabta. Waa goobta ay soomalaidu kaga mahmahaddo gari laba nin kama wada qosliso, akhristee ma kuula muuqta goobtayan in ay tahay goob sifahaa aan kor ku soo xusnay leh?
Haddan dib ugu noqdo dulucadda qoraalka, muuqlkan waa sawirkii maxakmadda sare, waan sawir leh turjumaada badan, waayo, gaaladda waxay tidhahada sawirku wuxuu sidda ama xanbaarsanyahay qiime kumanaan weedhood ah (A picture is worth a thousand words). Haddaba, sawirkan Maxakammada sare ee Somaliland muxuu yahay weedhaha uu xanbaarsanyahay? Aan isku dayo in aan woxooga ka yidhahado kumanaanka weedhood ee uu siddo sawirkan:
Waa dhismaha
- Maxaa dulmi hostaydda lagu naqay
- Maxaa nin miskina ha xaqiisa lagu duudsiyey hooskayga
- Maxaa muwaadin lagu cabudhiyey hooskayga
- Maxaa markhaati been ah hooskayga lagu furay
- Maxaa dad jilicsan xabsi xaqdaro ah lagu riday hooskayga
Geedka hortiisa
- Geedku waxaa ka muuqda darxumo wuxuuna leeyahay, waar meesha iga fujiya, ma nooli oo waad aragtaan sida aan u ekahay jiidh iyo jamaat-toona iguma yaalo, geed kale oo agtaydda ka soo baxayaan ma jiro oo aan weheshada ama ila ooyaa marka dulmauhu agtayadda soo fadhiisto, qof naxariista oo koob biyo ah igu waraabiya ma jiro, waaga beriya iyo gabaalka dhaca waa la I rifayaa oo caaleen qoyayn uguma taal. Ayaandaridaydda maxaa meesha keligay I dhigay.
- Wejihadda dhismaha
Waa meel aan idhah u fiicnayn oo marka indhuhu ku dhacaan aad si dhakhso ah ula boodayso, waa bus, waa cawlaan, waa muuqal aad arkayso in dulmi meesha yaalo, waa meel aan loogu talo gelin in farxadi ka muuqto, ee ay tul hoganyso habaar iyo inta xun ee bin’aadmku ka ducaysto
- Calanka meesha sudhan
Waa mid rifmay oo oohin u dhammaaday, waa mid farxad iyo wanaag agtiisa ka foogaaday, waa mid maalin kasta cadyari ka go’o, waa mid ay ka muuqato, darxumo, busaarad, iyo inta xun ee dadku isku habaaro
Sawirkani waa mid ka turjumaya cadaalad xumidda wadanka taala, Somaliddu waxay tidhahada wixii muuqisu ku deeq ayaa oontiisun ku deeqdda
Osman Awad
waaba2003@yahoo.ca
This post has been viewed 691 times.






