Wergeyska Faransiiska Ah Ee Indian Ocean Newsletter Qaybtiisa African Intelligence Oo Boggiisa Koobaad Ku Daabacay Madaxweyne Siilaanyo Oo Xaalad Caafimaad La Soo Daristay Iyo Awoodiisa Oo Si Qayrul Sharci Ah Xubnaha Ku Wareegsani Uga Faa’iidaysanayaan

Posted by on Jul 30th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Paris (Halbeegnews)– Wergeyska ugu weyn ee ka faallooda arrimaha sirdoonka dunida ee xaruntiisu tahay dalka faransiiska ee loo yaqaano Indian Ocean Newsletter waaxdiisa loo yaqaano African Intelligence ayaa boggiisa hore dorraad wuxuu ku daabacay qormo uu kaga hadlay xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ugu magac darray “hogaankii  labada geesood  lahaa ee Madaxweyne Siilaanyo ” “The duo shepherding Silanyo”

Wergeyska Indian Ocean Newsletter wuxuu sheegay inuu ka soo xigtay ilo ku dhaw-dhaw dhakhtarka uu xidhiidhka la leeyahay dalka ingiriiska loo sheegay inuu muddo sannad iyo badh ka hor ah ku dhuftay xanuunka loo yaqaano faaluga fudud (simple strokes) kaasi oo wakhtigaasi Madaxweynaha la geeyey jasiiradda Hongkong ee dalweynaha shiinaha.

Wergeysku wuxuu qormadiisa ku daabacay in Madaxweynaha oo ay hadda da’diisu tahay 76 sanno jir uu noqday hawl-gab aan awood u lahayn inuu hawlaha qarranka si rasmi ah u maamulo, isagoo Wergeysku tibaaxay in ay awoodiisii ku takri-fallayaan xubno ku wareegsan oo ay ka mid yahiin Marwadiisa Aamina Maxamuud Jirde (Aamina Weris) iyo wasiirkiisa madaxtooyada Xirsi Cali Xasan.

Wergeyska Indian Ocean Newsletter oo soo xiganaya war uu sheegay inuu  ka hellay sirdoonka dalka faransiiska ayaa tibaaxaya inuu Madaxweyne Siilanyo si joogto ah u qaato dawooyin kala duwan oo lagula tacaalo xaaladiisa caafimaad, wuxuuna Wergeysku tibaaxay in dhawaan la filayo inuu loo qaado dalka ingiriiska halkaasi oo dhakhtarkiisu ku eego doono xaaladiisa caafimaad, Wergeysku isagoo sii faahfaahinaya arrintaasi wuxuu sheegay in Marwada Madaxweynaha Aamina Weris ay dhawaan booqasho ku tagtay magaalada London ee xarunta dalka ingiriiska booqashadeedaasi oo ahayd  qaban-qaabadda xaaladiisa caafimaad  ay ugu sii gogol xaadhaysay.

Wergeysku isagoo qormada sii wada wuxuu sheegay iyadoo aan la garanaynin wakhtiga uu xaaladda caafimaad ku joogayo Madaxweyne Siilaanyo dalka ingiriiska darteed waxaa magaalada London looga yeedhay Guddoomiyaha golaha guurtida Saleeban Maxamuud Aadan si uu xaaladda qarranka ula soo socdo.

Warbixinta Wergeyska The Indian Ocean Newsletter waxay tibaaxday inaan hawlaha qarranka si rasmi ah loola socodsiinin Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, isla markaana ay dhawr jeer isku dayeen Aamina Weris waa marwada Madaxweynaha Somaliland eh iyo wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan inay ka takhalusaan.

Wergeysku isagoo haddana markale ka hadlaya darajadda xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo gaadhsiisantahay wuxuu sheegay inuu Madaxweynahu gabay xasuustii isla markaana uu tahli kari waayo inuu go’aan qaadashada hogaanka qarranka leeyahay, Wergeysku wuxuu tibaaxay inuu Siilaanyo fuliyo wax alla iyo wixii ay Marwadiisa Aamina Weris iyo Wasiirka madaxtooyadu ku soo taliyaan isaguna ayuu wergeysku tibaaxay inuu qallinka ku saxeexo.

Wergeysku wuxuu ka hadlay xogo uu ka soo xigtay waaxda socdaalka iyo xogta ee dawladda Kenya oo tibaaxaysay lacago dhawr jeer oo is xigxiga lagu qabtay wiil u sodog ah Madaxweynaha Somaliland oo la yidhaahdo Baashe Maxamed Faarax, wiilkasi oo lacag dhan 1.7 milyan oo dollar (hal milyan iyo todoba boqol oo kun oo dollar) ay waaxda socdaalka iyo kastamyada ee madaarka Jomo Kenyata Airport ku qabteen mar uu bishii hore ku wehelinaayey safarka marwada madaxweyne Marwo Aamina Weris iyadoo wakhtigaasi waaxda kastamyada iyo socdaalka ee Kenya ay dib ugu soo celisay dhinaca Somaliland.

si aad u akhrisato qormaddani Wergeyska the Indian Ocean Newsletter halkani guji, ogsoonow waa inaad iibsato warkaasi lacag dhan 20 Euro

Halbeegnews, Paris

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 5856 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright