SOMTEL iyo DAHABSHIIL Oo Xuquuqdii Macaamiishooda Ku Gafay, Waxay Joojiyeen Shabakado Wararka Sii Daaya Sidii Dalalka Shuuciyadda Oo Kale (Internet Censorship)

Posted by on Jul 28th, 2012 and filed under somaliland news. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)– Shariikadda SOMTEL oo uu mulkiyadeeda leeyahay Maxamed Siciid Ducaale oo ah mulkiilaha shariikadda DAHABSHIIL ayaa bilawday inay macaamiisha ay u adeegto ula dhaqanto sidii dalalka nidaama shuuciyadda iyo kalitalisnimadu u shaqeeyo.

Halbeegnews oo aan wax alla iyo waxay u dhintay ama ka dhintay DAHABSHIIL iyo SOMTEL aanay jirin ayaa waxay macaamiisheeda ka joojisay shallay inay gebi ahaanba ka booqan karaan shabakadda caalamig ah ee Halbeegnews iyo dhawr shabakadood oo kale oo ay ka mid tahay Burco Online, Galmudugnews, Sunatimes, Indian Times oo ah wergeys laga leeyahay dalka hindiya iyo shabakado kale oo farabadan.

Taasi mac-naheedu waxay tahay qofka macaamiish ah shariikadda SOMTEL ma hellayo inuu aroor kasta ama gallab kasta ama fiid kasta akhristo wararkii dalkiisa hooyo iyo daafaha dunida iyadoo SOMTEL iyo DAHABSHIIL ay qaateen tubtii dalalka shuuciyadda iyo kelitiska ku shaqeeya ee ay ku xanibaan warbaahinta xorta ah si aanay shacabka Somaliland u ogaan xaqiiqda iyo waaqiciga ka dhacaya dalkooda gudahiisa iyo dibadiisa.

Tallaabadani ay SOMTEL qaaday iyagu caqli ahaan waxay isleeyahiin waxbay idiin taraysa oo waxaad dadka kaga joojinaysaan in fadeexadooda iyo ceebahooda la akhristo balse waxaanay ogayn in shariikado ka sharaf badan, ka qiimo jaban, ka taariikh weyn kana magac horeeyey oo ay hormood u tahay shariikadda TELESOM oo haysata suuqyada ganacsiga isgaadhsiinta Somaliland isla markaana iska leh bangiga Salaama African Bank ay jiraan oo ay tartan kula jiraan.

Halbeegnews waxay ku dhiiri-gelinaysa macaamiisha shariikadda SOMTEL inay ka guuraan oo ka wareegaan iyadoo SOMTEL noqotay shariikad cadaw u ah xorriyatul qawlka saxaafadda iyo ra’yiga xorta ah, isla markaana u diiday dadkii u macaamiisha ahaa inay si xor ah ileen lacag ayey bixiyaan oo ay siiyaan eh ay waxay doonayaan uga daalacdaan.

Sideed lacag u bixinaysa haddii aanad hellayn adeegii rasmiga ahaa ee aad u baahnayd, ka wareeg SOMTEL oo u wareeg shariikad kasta oo aad ka hellayso adeeg kasta oo ku raali geliya.

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 2898 times.

Categories: somaliland news
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright