Magaalada Caynaba Oo Saaka Ku Waabariisatay Rabshado iyo Banaanbaxyo Gacanta Meelaha Qaarkood La Iskula Tagay

Posted by on Jul 26th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Caynaba (Halbeegnews)–saaka oo khamiis ah waxaa gudaha magaalada caynaba ka bilaabmay mudaharaadyo gacansaar wata iyadoona shacabka ku dhaqan magaaladu taayiro ku gubayaan jidadka laamiyada isla markaana ay xidhmeen dhamaanba isusocodka gaadiidka

dhaawaca tirada 5 qof ayaa la geeyey cusbitaalka guud ee caynaba kuwaasi oo waxyeeleeyeen hujuunka dadka gadoodsan kuwaasi oo aanay ciidanka boolisku waxba ka qaban.

mudaharaadayaasha ayaa waxaa ay ka cabanayaan dhul banaan oo ay sheegeen in masuuliyiin ka tirsan dawlada hoose ee caynaba mulkiyado u samaysteen dhulkaasi oo ay ku yaalaan,masaajid lagu tukado iyo geed weyn oo damal ah islamarkaana dadku hadhsadaan xiligan ramadaanta

ciidanka booliska oo isku dayay inay kala dareeriyaan waa ay u suurogeli wayday waxaana ay taasi sababtay in taliyhaha qaybta booliska gobolka saraar ay shacabkan gadoodsani cadhada kula dhacaan oo ay baacsadaan iyadoona sidoo kale ooda laga qaaday afartii qof ee maalintii shalay ciidanka boolisku xabsiga u taxaabeen

ilaa haatan ma jirto warar rasmi oo intaasi dheer maadaama magaaladu kala xidhan tahay isla markaana uu yaraaday isusocodka gaadiidku waxaanan wararka danbe idinku soo gudbin doonaa wixii ka soo kordha arimahaasi

Caynaba,Halbeegnews

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 346 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright